|

Wasiirka Macdanta iyo Tamarta oo Khudbad dhinacyo badan taabaysa ka jeediyay Shirkii Caalamiga ahaa ee Macdanta

Melbourne, Australia 31.Aug 2013 (SDN)- Waxa maanta la soo gabagabeeyey shirkii caalamiga ahaa ee loo yaqaanay Africa-DownUnder ee maalmahanba ka socday magaalada Perth ee galbeedka dalweynaha Australia.

Hadaba wasiirka macdanta iyo khayraadka ee jamhuuriyada Somaliland mudane Xuseen Cabdi Ducaale ayaa guulo waa weyn ka soo hooyey. Kadib markii uu qudbad dheer ka hor akhriyey taas oo soo jiidatay indhaha shirkadaha waa weyn ee maalgashiga ku sameeya qaarada Afrika iyo dabcan wufuudii ka socotay caalamka ee goobtaas ku sugnayd intaba.

austariyshirkan oo runtii ahaa shir dawlada Somaliland la odhan karo waxay ka soo hooyeen guulo waaweyn isla markaasna, wasiirku ku dhiiri geliyey shirkadaha waaweyn ee dalkan Australia in ay booqasho ku yimaadaan dalka Somaliland. Waxa dhanka kale kulan dheer wada qaatay WasiirXuseen Cabdi Ducaale iyo Safiirka dalkan Australia u fadhiya wadanka Kenya mudane H.E. Geoff Tooth. oo aqbalay codsi ahaa in uu dhawaan booqasho ku yimaado Somaliland. Hadaba safarka safiirkan dalka Australia ee ku soo aadan Somaliland ayaa waxa uu run ahaantii noqon doona masuulkii ugu sareeyey oo isla markaasna hogaamin doona wefti ah madax ka socota wasaarada arimaha dibada ee dalkan Australia oo booqasho ku yimaada dalkeena hooyo ee Somaliland. Taas oo la rajeynaayo in booqashadani ay albaabada u furi doonto shirkado waaweyn oo dalka soo booqon doona mustaqbalka dhow iyagoo maagan maalgashi dhab ah.

far1Hadaba waxa wasiir Xussen oo la filaayo in uu soo laabto sanadka danbe hadii Allaha awooda lihi ogolaado, si uu halkaas uga sii anba qaado wixii qabsoomay iyo dabcan sidii lagu heli lahaa shirkado kale oo ka badan kuwan hada dalka ku sugan. Wax dhanka kale uu wasiirku waraysiyo siiyey joornaalo dhawr ah oo iskugu jira kuwo laga leeyahay dalkan Australia iyo dabcan kuwo caalami ah oo goobta ku sugnaa isla markaasna aad u danaynaayey horumarka iyo deganaanshaha ka jira Somaliland. Walow qaarkood ahaayeen kuwo aan macluumaad badan ka haysanSomaliland laakiin qudbadii wasiirku ay wax badan oo ka dahsoonaa ay daaha uga qaaday.

far3Waxa dhanka kale wasiir Xuseen Cabdi Ducaale uu casuumad casho sharaf ah ka helay wasiirka khayraadka ee dalkan Australia gaar ahaan gobolkan uu shirku ka qabsoomay. Wasiirkaas oo magaciisa la yidhaahdo The Hon. Mike Nahan. Minister of Energy, Finance, Citizenship and Multicultural Interests.  Iyadoo casho sharaftani ay tahay mid lagu sii sagootinaayo wasiirada ka yimid qaarada Africa ee ka soo qayb galay shirkan weyn ee caalamiga ah ee loo yaqaano AfricaDownUnder Mining Exploration Conference.

Hadaba siday doontaba ha ahaate waxa shirkan maanta soo gabagabeeyey madax sarsare oo ka socota dawlada dalkan Australia iyo shirkadaPaydirt Media International oo ahayd shirkadii shirkan caalamiga ah soo qabanqaabisay. Waxa ugu danbayntii halkaas cayaaro aad looga yaabay ku so bandhigay koox African ah oo degan magaalada Perth oo halkaas ciyaaraha Afrikaanka ku soo bandhigay iyagoo tumaayey durbaano aad u waaweyn. The Real African Drums.

Melbourne, Australia SDN.

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed