Uncategorized

Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland Oo Maanta Dood Diidmo ah kala Hortagay Xeerka Waddooyinka

Hargeysa:17-Sep-2013(SDN)-Xildhibaanada Golaha Wakiillada Somaliland ayaa maanta si toos ah u gudo galay xeerka Takaalliifta waddooyinka oo ay si weyn iskugu maan-dhaafsan yihiin.

doodayXeerkan oo maalintii shalay ahayd uun loo qaybiyey Golaha, islamarkaana ay dabada ka riixayso Madaxtooyadu, ayaa ay maanta xildhibaanadii fikirkooda ka dhiiftay si aad ah uga soo horjeesteen, waxana ay ku dooddeen inaan loo  baahnayn in xeerkaas Goluhu ku sii daayo Bulshada danyarta ah  ee  xilligan duruufaha adag ku jirta.

Xildhibaanadii maanta Doodda Dhiibtay oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali koore, xildhibaan Maxamed Faarax Qabille, xildhibaan Maxamed    Cismaan Bulqaas iyo qaar kale oo badan, ayaa si badheedh ah u sheegay inaanay dadkeena jilicsan ee Reer miyiga iyo Gaadiidleyda u badan ee xeerkani sida tooska ah u taabanayaaa aanay istaahilin in lagu daawado xukuumaddan lacag urursiga u tafo xaydatay.

Xeerkan oo dooddiisu ayaamaha soo socda ka sii socon doonto Golaha. Ayaa sida muuqata ay jiraan xildhibaanno kale oo hoosta ka jecel in la ansixiyo, waxana maantaba halkaas dooddiisa taageerada ah jeediyey Xildhibaan Saleebaan Bukhaari, waxana uu ku dooday in loo baahan yahay in xeerkan la meel mariyo, maadaama haatan xukuumaddu u soo jeedsatay inay horumarkeeda u badiso dhinaca waddooyinka oo dayac badani ka jiro.

Sida muuqata  inkastoo Golaha wakiilladu u badan yahay muxaafid u dhego nugul soo jeedin kasta oo xukuumadda ka timaadda, Haddana haddii ay sida ay uga soo horjeedaan codkoodana u dhigaan, waxa uu xeerkani noqon doonaa mid ay diidaan Goluhu, balse lama saadaalin karo meesha uu xeerkani u dambayn doono, waxana haatan jirta in badiba xildhibaanadii muxaafidka ahaa ku maqan yihiin Safarka madaxweynaha.

 

Somalidiasporanews.com

Contact@somalidiasporanews.com