Uncategorized

Wasiirka Madaxtooyad Istanbul ilaa Paris

Hargaysa 22.Jan 2014 (SDN)- Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ka hadlay socdaaladii uu ku tagay dalalka Turkiga iyo Faransiiska iyo kulamadii wufuudii uu ka mid ahaa ay labadaasi dal ku yeesheen.

xirsigaabWasiirku waxa uu sidaasi ku sheegay qoraal uu maanta ku daabacay mareegtiisa Internet-ka ee guusha.com, waxaanu qoraalkaasi oo dhamaystirani u dhignaa sidan:-

 

“Salaan qiimo badan kadib, waxaan halkan idinkula wadaagayaa xog-waran ku aadan safaradii aan ku tegnay dalalka  Turkey/France, iyo nuxurkii ay xambaarsanayeen.

Labadan safar   oo ku soo dhamaaday guulo hor leh iyo bushaarooyin mustaqablka dhaw iyo fog-ba iskugu jira, aan xog guud mar ah idinka siiyo habsami u socodkii safaradan:

 

Safarkii Turkey-ga

Safarka Turkey ee wada-hadalada waxaa hogaaminayey wasiirka Arrimaha Dibeda  waxaan ka qayb qaatay gudi ka koobnayd 7 xubnood oo kala ahaa:-

1) Wasiirka Arrimaha Dibeda  Maxamed  Biixi Yoonis

2) Wasiirka Shaqada & arimaha bulshada Maxamuud Axmed Barre “Garaad

3) Wasiirka Madaxtooyada  Xirsi Cali X. Xassan

3) Wasiirka X.Xoolaha Dr Cabdi aw Dahir

4) G. Ku xigeenka G.wakiilada Baashe

5) Xil. Siciid

6) Xil  Kijaandhe

 

Runtii waxay ahaayeen dhamaan rag wada akhyaar ah oo isku duuban, isku kalsoon isla markaana isku ah qof keliya ah oo hawsha meel uga soo wada jeeda, waxay ahaayeen rag qiimo badan mabda’a Qadiyada Somalialnd ay ka go’antahay shaqadana diyaar u ah. (Committed, Organized and well prepared team)

 

Qolada naga soo horjeeday waxay ahaayeen rag aad u werwer iyo walaac xaga shaqadoodii ahi uu qaar badan ka muuqdo, rag aan kalsoonida dhexdoodu fiicnayn, taladooduna ay telephone kaga xidhantahay oo go’aankoodana waydimo badani ku jirto. (Aan isku kalsoonayn)

 

Qodobada laga wad hadlayeyna waxay ahaayeen qolo-waliba wixii ay dan moodaysay ayay miiska soo dhigtay, dood, muran marar badan oo lagu kala gurtay oo dib loo balamay ama gudi farsamo loo saarayna tiraba illaa sadex jeer way dhacday. Iskusoo duub oo maxsuul wuxuu noqday qodobadii saxaafada lagusoo bandhigay ee aad hore u aragteen, kuwaasoo runtii guul u ahaa Qaranka Somaliland. (Xaga hoose ka akhri qodobadii kasoo baxay shirka oo si faahfaahsan.)
Safarkii dalka France

Safarkan wuxuu ahaa guul taariikhiya oo qarankeena usoo hoyatay, sidaad arkayseen waxaa madaxweyanaha lasiiyey maamuus iyo milgaha dawladnimo oo runtii ah macnawiyaad aad u  sareeya oo aanay lacagtu goyn. Waa saaxiib cusub oo usoo kordhay Somaliland, weliba maaha saaxiib  miskiina ee waa saaxiib xoog badan oo kamida wadamada waaweyna ee  awoodaha dunida ku loolama, ma aha markii ugu horaysay ee dawladeenu timaado France Laakiin waa markii ugu horaysay ee milgahan iyo maamuuskan oo kale laynagu casuumo. Waxaanu aragnay:

1) Wasiirka khaarajiga

2) Golaha Sanadka

3) Xafiiska Horumarinta FDA

4) Hay’adaha qaabilsan Budhcadbadeeda

5) Shirkado maalgashi

Waxay muhiimadu ahayd in dawladan uu ina dhexmaro xidhiidh/iskaashi dhinacyada siyaasada, horumarka, nabadgelyada iyo waxbarashada iyo dhaqanka, waxaana dhamaan masuuliyiintii aanu la kulanay ka muuqday niyad sami iyo soo dhawayn, waxaan rajaynayaa in xidhiidhkani hirgalo oo uu horuumaro.

Dhamaan bulshada qurba-jooga degan dalka France iyo inta kale ee saxaafada igala socota-ba waxaan usoo jeedinayaa in qof kastaaba uu halka uu joogo uu ka noqdo safiir oo uu metallo qarankeena, masuuliyad-na iska saaro qadiyadeena, geed dheer iyo mid gaaban-na uu u fuulo raadinta iyo ka midho dhalinta himilada bulshadeena oo ah sidii aynu beesha caalamka uga heli lahayn ictiraaf buuxa iyo dawladnimo la aqoonsanyahay.

Walaalyaal arintaasi waxay u baahantahay dedaal badan isku duubni iyo qof kastaa inuu ka qayqaato una guntado, arintu maaha in dawladaa qaabilsan ee iska seexda, dawlada masuuliyadii waynayd ayaa saaran qofkastana masuuliyad gaar ah iyo waajibaad ayaa ka saaran dalkiisa iyo dadkiisa.
Hadaba si aad arintaa uga midho dhalisaan waxaa loo baahanyahay in aad leedihiin dareenkii iyo doonistii bulsho, waxaa loo baahanyahay in qof kastaa dalka uu jooga barto wixii aqoon ah ee u sahlaya in uu naftiisa iyo dalkiisaba wax ugu qabto, sidoo kale waxaa loo baahanyahay in qofku uu fahmo, derso dhexgal (integration) uu ku sameeyo dalka iyo bulshada uu la noolyahay, waayo hadii aydaan baranin/fahmin dalka/bulshada aad ku nooshahay dee waxba anakana noo tarimaysid adiguna waxba taransan maysid. Macnuhu maaha in aad diintiina iyo dhaqan kiina ka tagtaan ama aad gaalowdaan ee waa dadka aad la joogto baro si aad wax uga dheeftid ama dhibtooda uga badbaadid.
Ugu danbayn dalkii horumar balaadhan ayaa ka socda oo dawlada iyo dadwaynuhuba ay wadaan oo ay ugu horeeyaan wadooyinku markaa qof kastaa waxaa daruuri ah in ka qayb qaato  waddada Ceerigaabo ayaa ugu muhiimsan balse waddadii aad soo gaadho ama kuugu fududaata ka qayb qaado dalkuna waa isku mid, wixii illaah hortii aad u baxsataana waa isku mid.

 

Ugu dambayn waxaan idin leeyahay; Dalkaagana ha gabbin khayrkana ha ka Gaabin.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com