Hargaysa 13.Feb (SDN) Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo Wacyigelinta, Mudane Abiib Diiriye Nuur oo maanta xafiiskiisa ku qabtay shir’jaraaid ayaa sheegay in aanay jirin wax khilaaf ah oo dhex yaala Madaxweyne ku xigeenka Mudane Cabdiraxmaan C/laahi Ismaaciil iyo Madaxweynaha, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud, Madaxweyne xigeenkuna hawlihiisa shaqo si habsami ah ugu guda jiro.
Wasiirku waxa uu sheegay in meel hawli ka socoto lagu kala Ra’yi duwanaan karo, balse aanay jirin wax la buunbuuniyo oo dhex yaala madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa taasoo uu ku tilmaamay inay shaacinayaan dad aan rabin wanaaga Somaliland.
Wasiirka Warfaafintu waxa uu sheegay in isfahamka iyo Walaaltinimada Masuuliyiintan laga shaqeeyey,isla markaana Madaxweyne xigeenku Madaxweynaha ku qaabili doono soo labashadiisa Madaarka Caasimada Hargeysa,Isagoo amuurtaas ka hadlaya wuxuu yidhi “Madaxweyne Ku xigeenkuna wuu soo dhawaynayaa madaxweynaha marka uu soo laabto, intii uu madaxweynuhu maqnaana madaxweyne Ku xigeenku hawshii Madaxweynimo wuu hayay. Waxa uu kormeer ku soo maray qaar ka mid ah Ha’yadaha dawladda qaarkood, shirkii Golaha Wasiirrada wuu qabtay wefti ajanabi ah oo dalka yimid wuu qaabilay, hawl maalmeedkii caadiga ahaa si ramsi ah oo caadi ah ayuu u qabsaday. Haddii uu khilaaf jiro ama cadho jirto kama uu soo baxeen gurigiisa oo xafiiskiisana muu yimaadeen. Waxaanay taasi cadaynaysaa in waxan la shubayo aanay waxba ka jirin. Arrintan waxa sii buun-buuninaya shakhsiyaad aan doonayn in dalkani hore u socdo.”
Shirkaa Jaraa’id waxa uu Wasiirku ku tilmaamay inay jiraan dad xilal qaran soo qabtay oo marka ay xilka waayaan dhaliil uun la beegsada Masuuliyiinta iyo hawlaha qaran, kuwaas oo uu ujeediyey inay ka waantoobaan isla markaana ay u haboontahay marka ay xilka hayaan inay dhaliishooda iyo saxitaankoodaba ku soo bandhigaan Golayaasha.
Wasiirka warfaafinta mud. Abiib diiriye nuur waxa uu shirkaa Jaraa’id ku xusay inay jiraan dad soo jeedinaya in la isugu yimaado talo qaran taas oo uu macnaheeda ku tilmaamay inay ku baaqayan Shir beeleed, kuwaas oo uu sheegay inay doonayaan in ay Somaliland Dunto, balse aan laga yeelayn lagana aqbalayn ““Niman Waaweyn oo Masuuliyiin ah ayaa waxay ku baaqeen waxaanu qabanaynaa shir tallo qaran ah, taasna macnaheedu waa shir beeleed, shir beeleedna waynu ka soo gudubnay. Dawlad baynu nahay ninka maanta shir beeleed ku dhawaaqaya in la iskugu yimaado waa nin qarankan duminaya oo aan Somaliland jeclayn. Kaasna ka yeeli mayno kana aqbali mayno. Somaliland waa qaran jira, dastuur bay leedahay shuruucdeena ayaa lagu soconayaa, laakiin shir beeleed ha lagu noqdo laga yeeli maayo,ummaddana diyaar uma aha in marxladii aynu soo dhaafnay lagu noqdo.”.
Dhanka kalena Wasiirku waxa uu sheegay in mid ka mida Warbaahinta gaarka ah ee dalka lagu qoray saaaka in Wasaaradda Warfaafintu ka gaabisay inay soo bandhigto Waxqabadka Madaxweyne xigeenka, taas oo uu ku sheegay mid aan waxba ka jirin, waxaana uu sheegay in Wasaaradda Warfaafintu Qaranka oo dhan ugu adeegto si isku mid ah.
Hargaysa SDN.
