Hargaysa 13.Feb (SDN) Agaasimaha guud ee Wasaaradda dhalinyarada Ciyaaraha iyo Dalxiiska ‘’Mustafe Maxamuud Qodax’’ ayaa maanta tababar laba cisho socon doona u furay dhalinyaro ka kala socday qaar ka mid ah xarumaha dhalinyarada ee gobolada iyo degmooyinka dalka iyo qaar ka mida ardayda jaamacadaha Hargeisa.
Agaasimaha guud oo ka warbixinayey ujeedada tababarkan, ayaa sheegay inay la xidhiidho sidii la iskaga xog waraysan lahaa caqabadaha hortaagan dhalinyarada sida ay u socodaan hawlaha xarumaha dhalinyarada gobolada ee hada furan, waxa ay u baahan yihiin in lagu kordhiyo iyo meelaha u baahan in wax laga qabto iyo sidii wax loogu biirin lahaa.
Ugu dambayn waxa agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaruhu kula dardaarmay ka qayb galayaasha aqoon iswaydaarsigaasi in mudada kooban ee tababarkani socda ay ka faa’iidaystaan, waxana ay ka kordhisataana ugana faa’iideeyaan dhalinyarada ku sugan goobihii ay ka yimaadeen ee aan iyagu nasiibka u helin in ay ka qayb galaan aqoon iswaydarsigan.
Hargaysa SDN.
