|

‘’Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Duco iyo Tacsi loogama Baahna +Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadirna dad ayaa Kelifaya ee Ka Daaya…’’ Siyaasi Aadan Dhoola yare DAAWO

Hargaysa 24. January 2018 (SDN/QJ):-Siyaasi Aadan Dhoola yare oo ka mid ah Siyaasiyiinta Xisbiga Waddani ayaa Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ku Dhaliilay Habacsanaan iyo habrasho badan.

Siyaasi Dhoola yare waxa uu sheegay in Hadalkii doraad ka soo yeedhay Suldaan Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir uu ahaa mid lagu Kelifay Suldaanka Waxaa kale oo uu ka hadlay Shir uu Sheegay in Gudi ku dhawaaqday oo loo qabanayo beelaha Garxajis waxaanu xusay in loo baahan yahay in shirku noqdo mid loo wada dhan yahay oo aan Khilaaf dhalin isla markaana ay Xukuumadu ogoshahay.

Dhanka Kale Waxa uu dhaliilay Sidii uu Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Doraad uga hadlay Shaqaaqada ka dhacday deegaanka Dararweyne Waxaanu xusay in Wasiirka arrimaha gudaha aan looga baahnayn duco iyo tacsi toona balse laga rabo sidii uu gacan bir ah oo dawladnimo ka turjumaysa ugu dhaqi lahaa beelaha ku diriray deegaanka Dararweyne.

Aadan Dhoola yare waxa uu Sheegay in Dawladnimo iyo Madax dhaqameed aanay meel wada fadhiisan waxaanu xusay in Shaqooyinka Xukuumada iyo Madax dhaqameedku ay kala baxsan yihiin.

Aadan Dhoola yare waxa uu shirkiisan ku sheegay in hadii Xukuumadu talaabada Sharci ee ugu haboon ka qaadi lahayd Suldaankii ugu horeeyay ee arrimaha qabyaalada ka hadlay in Salaadiinta kale ay ka dhawrsan lahaayeen wixii kicinaya bulshada isla markaana kala fogaynaya Midnimadooda.

Waxaanu intaas ku daray in Xisbi ahaan ay Xukuumadda gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ku dhaliilayaan raacid la’aanta qawaaniinta inoo degsan isagoo tusaale u soo qaatay in hadii beeli ay Caaqil Caleemo saarayso amase ay Shir qabsanayso ay ogolaansho ka hesho Wasaaradda Arrimaha gudaha taas oo uu xusay in aanay haatan jirin isla markaana keeni karto nabadgalyo daro dalka ka dhacda.

Waxaanu u soo Jeediyey Wasaaradda arrimaha guduhu inay adeegsato Shuruucdaas kana hor tagto shirkasta oo aan lagu midaysnayn oo beeli qabsanayso isagoo intaas raaciyey inuu Xukuumadda ka arko habacsanaan iyo habrasho tiro badan.

Aadan Dhoola yare waxaa kale oo uu Talo u soo Jeediyey dadka qurbejoogta ah oo uu ka dalbaday inay inaga Joojiyaan Waxyaabaha ay Baraha bulshadu ku kulanto soo geliyaan ee Keenaya khalkhal xaga nabadgalyada ah.

Comments are closed