Uncategorized

Wasiirka Waxbarashada oo Warbixin ka Horjeedisay Fadhigii Golaha Wakiilada

Hargaysa 03.June (SDN) Fadhigii maanta ee Golaha wakiilada somaliland oo uu shir Gudoominayay Gudoomiyaha golahaas mudane C/ raxmaan Maxamed C/llaahi (Cirro) ayaa warbixin ka dhagaystay Wasiirka wasarada waxbarashada iyo tacliinta sare Marwo sam sam Cabdi Aadan .

Wasiirku wasaarada waxbarashadu waxay mudanayaasha Golaha warbixin ka siisay hawlaha ay wassaradu u hayso bulshda waxaana ay sheegtay in markii ay ka halgashay wasaarada ay bilawday sidii kor loogu qaayada waxbarasho ee ardayda si ay darajo wanaagsan uga gaadhan natiijooyinka imtixaanaadka , waxaana ay tilmaantay in ay hawshaa la kaashatay khubaradii dhinaca waxbarashada ee dalka iyo hawlwadeeno muwaadiniin ah oo aqoon sare leh kuwaas ka yimi wadamada dibada. Wasiirku waxa ay intaa ku dartay in ay kor u soo qaadaan heerka waxbarasho ee hablaha iyo kaalintooda waxbarasho.

Wasiirka wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare marwo sam sam cabdi aadan waxa kale oo ay ku sheegtay warbixintaa ay ka jeedisay G olaha wakiilada in intii ay joogtay wasaarada ay u kuurgaleen jaamacadaha dalka heerkooda waxbarasho iyo sida ay u buuxiyeen shuruudaha ay wasaaradu uga baahantahay iyada oo taas lagula xisaabtamayo haatana hawshaas lagu guda jiro . Wasiiirka waxbarashadu waxa ay sheegtay in deeqaha waxbarasho ee ay wasaaradu hesho ay si cadaalada u qaybiyaan una sameeyeen guddi ka hawlgasha arintaas. Gebagebadii warbixintas waxa halkaas wasiirka ay ku weydiiyeen mudanayaashu su’aalo la xidhiidha shaqada wasaarada .

Hargaysa SDN. Qurbejoog.com