Hargeysa:April,25,2015(SDN/QJ)-Labada wasiir ee u dabran wareejinta Dekedda Berbera ee Wasaaradaha Madaxtooyada iyo Hawlaha Guud, ayaa Galabta u dhoofaya dalka imaaraadka Carabta, iyagoo ujeedadoodu tahay sidii heshiiska Dekedda lagu wareejinayo loo dhamaystiri lahaa.
Wasiirradan, ayaa la sheegayaa inay maalmahan shirar hoose kula jireen Madaxweyne Siilaanyo, isla-markaana ay ka dhaadhiciyeen Faa’iido koox gaar ah oo ay labadani hoggaamiyaan ugu jirta Wareejinta Dekedda, waxana ay madaxweynaha ku qanciyeen baahi loo qabo in dekedda cir ahi lagu wareejiyo.
Wasiirradan oo iyagu ahaa kuwii markii horeba keenay Qorshaha Dekedda lagu wareejinayo, ayaa haatanna ah dillaalliinta ugu waaweyn ee Wareejinta Dekedda u xiiqsan, waxana ay xidhiidh wanaagsan la samaysteen Shirkadaha doonaya inay Dekedda la wareegaan oo ay ka dhamaysteen Lacago malaayiin Dollar ah oo aan cidi la ogayn.
Sida wararku sheegayaan, labadan wasiir waxa ay hor boodayaan Caa’ilo iyo koox madaxtooyada dhexdeeda beryahan awood ballaadhan ku yeelatay oo qalinka madaxweynaha ka faa’iidaysata, kuwaas dalka geliyey arrimo badan oo qaranka dani ugu jirin.
Wasiirradan oo si gaar ah saaxiib u ah, ayaa la filayaa inay saxaafadda la hadlaan ka hor inta aanay dhoofin, waxase muuqata in duulimaadkoodani salka ku hayo dhamaystirka tallaabada xukuumadda Siilaanyo Doonayso inay dekedda Berbera ku wareejiso.
Shacabweynaha Reer Somaliland ayaa Gudo iyo dibadba kasoo horjeestay in la wareejiyo Dekedda Berbera, waxana intooda badani soo jeedinayaan in Cid kasta oo lagu wareejinayo la mariyo Hannaanka Sharci oo ay ugu horreeyaan Golayaasha Sharcigejinta qaranku.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
