Hargeysa:April,25,2015(SDN/QJ)-Labada Gole ee Baarlamaanka iyo Guurtida Somaliland, ayaa Maanta Cod aqlabiyad ah ku ogolaaday Xilka-qaadistii dhawaan Madaxweyne Siilaayo ku sameeyey Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Dalka Yuusuf Ismaaciil Cilmi.
Fadhi wada jir ah oo Golayaashu ku yeeshee xarunta Golaha Guurtida, isla-markaana uu hoggaaminayey Guddoomiye-kuxigeenka Kowaad ee Golaha Guurtida Siciid Jaamac Cali ayaa la isku raacay in la ayido xilka-qaadistaas, waxana Golaha Intiisa badani u codeeyeen in la aqbalo xilka-qaadistaas.
Fadhigaas oo ay fadhiyeen 128-Mudane oo labada Aqal ka tirsani, ayaa 80-ka mid ahi u codeeyeen in la taageero xilka-qaadista, halka 32-mudane gacanta u taageen in la diido xilka-qaadistaas, waxana ka aamusay 15-mudane.
Guddoomiye Siciid, ayaa halkaas kaga dhawaaqay in goleweynuhu ogolaaday in xilka laga qaado Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Somaliland Yuusuf Ismaaciil Cali.
Dhawaan ayey ahayd markii madaxweyne Siilaanyo uu xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Dalka Yuusuf Ismaaciil Cali oo uu ku eedeeyey wada shaqayn la’aan uu ka muujiyey Dhinaca Guddida Caddaaladda iyo waliba Cabashooyin isdaba joog ahaa oo Laga muujiyey Hay’adaha Garsoorka Dalka.
SDN/QJ
https://www.youtube.com/watch?v=qvWgzj1neLo&feature=share
