Hargeysa Mar 23,2012(SDN)-Wasiirul-dawlaha cusub ee maaliyadda Md. Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani) ayaa kulan la yeeshay badhasaabka Gobolka Minnesota Mr. Mark Dayton, oo ay Weheliyaan Xildhibaanka Golaha odayaasha Maraykanka kaga jira Minnesota Senator Jeff Hayden iyo masuuliyiin kale oo ay ka tirsan maamulka gobolkaasi. Badhasaabka iyo Masuuliyiinta kaleba waxay dhambaal hamblyo ah u direen wasiirul-dawlaha cusub ee Maaliyadda.
Badhasaabka Minnesota Mr. Mark Dayton, oo ugu horayn kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay magacaabista wasiirul-dawlaha cusub ee maaliyadda Somaliland oo ah aqoon yahan degan gobolkaas.
Mr,Mark Dayton, waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Maadaama ay tahay ishii dhaqaalaha, hadaad horumar ka keento Somaliland, inaad State ka Minnesota naga caawin doonto Sidii aanu State Deficit ka aanu uga bixin lahayn.”
Wasiirul-dawlaha Maaliyadda Somaliland Mudane Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani), oo ka hadlay kulankaasi ayaa tafaasiil ka bixiyay marxaladihii ay martay Somaliland iyo kaalinta ay kaga jirto Geeska Africa, gaar ahaan dhinacyadda dhaqaalaha, Waxbarashada, Dimuqraadiyada iyo Nabadgelyada mandaqadda.
Wuxuu sheegay Inay Somaliland tahay wadanka kaliya ee aan la aqoonsanayn ee ay ka Jirto Dimuqraadiyad, uuna ka taliyo Madaxwayne dadkiisii ku Doorteen cod bixin xor ah oo ah (One Man Vote).
Wasiirul dawlaha maaliyaddu wuxuu sheegay inay Somaliland leedahay khayraad dihin oo ay ka mid yihiin Macdan Farabadan,Gaasta dabiiciga ah. waxa kale oo uu xusay Somaliland Xidhiidhka Ganacsi ay la leedahay Dawladaha carabta iyo aduun-weynahaba, sida Xoolaha Nool iyo Beeyadda.
Md. Cismaan Cabdilaahi Saxar-diid wuxuu sheegay haddii Somaliland la aqoonsado inay noqon karto mid ka mid ah dalalka ugu dhaqaalaha badan qaaradda Afrika.
Wasiirul-dawluhu wuxuu xusay inay xukuumada uu ka tirsan yahay ay soo dhawaynayso malgashadeyaasha shisheeye ee danaynaynaya inay maal-gashadaan khayraadka Somaliland.
Wasiirul-dawluhu wuxuu badhsaabka Gobolka Minnesota u gudbiyay marti-qaad madaxweynaha Somaliland ku marti qaaday inuu socdaal rasmi ah ku yimaado Hargeysa.
Waxa kale oo kulankaasi ka hadlay Garyaqaan Xasan Giir, oo ka mid ah Odayaasha sida weyn looga qadariyo Gobolka Minnesota oo u mahad-naqay Badhasaabka gobolkaas, oo uu xusay inuu si wanaagsan ula dhaqmo bulshada Somaliland iyo Soomaaliyaba ee ku Dhaqan Gobolka Minnesota.
Ugu dambayntii wuxuu wasiirul dawlaha Maaliyaddu uu gudoon siiyay Badhasaabka Minnesota Hadyad ay ka mid ahaayeen agabka hidaha iyo dhaqanka sida dhiisha caanaha, koorta geella iyo astaanta calanka Somaliland oo ay ku xardhanaayeen halku dhigyo ay ka mid ahaayeen beesha caalamku waa inay Somaliland siiso aqoonsi caalami ah.
Ha’yadahaasi oo uu badhaabku aad ugu riyaaqay kana mahad celiyay isaguna wuxuu Wasiirul dawlaha Guddoon siiyay astaanta gobolkaasi.
SDN-Hargeysa
