|

“waxa lala dagaallamayaa waa maamul soo jirey soddonnkii sannadood ee la soo dhaafay, khaatumona waa cusub tahay oo xaga dhaqaalahana…..”Indha-sheel

Buuhoodle:July,01,2014(SDN/QJ)-Maxamed Yuusuf Jaamac Indha-sheel oo sheegta Madaxweynaha Maamulka Khaatumo, ayaa markii ugu horraysay waraysi uu bixiyey kaga warramay Xaaladda Maamulkiisa iyo meeshii uu ku dambeeyey.

indhasheeeeelMudane indha-sheel oo  haatan ku sugan Buuhoodle, isla-markaana dhawaan ka soo cararay deegaanka Taleex oo ciidanka Somaliland la wareegeen, ayaa sheegay inay dagaal qadhaadh ku galeen sidii ay difaac ugu geli  lahaayeen Deegaan xoogga lagaga qabsaday ee Taleex.

Waxa uu indha-sheel isaga oo u warramayey TV-ga Somali Channel, ayaa tilmaamay in xoog lagaga qabsaday degmada taleex,

“taleex waa ku dagaallanay markan iyo markii horeba, anigaana labada jeerba taagnaa goobta dagaalku ka dhacay, dagaalkana waa lagu kala adkaadaa oo waa la isku muquuniyaa, ciidan aad u laxaad lehna meesha way ku soo galeen.” Ayuu yidhi Indha-sheel.

Isagoo ka sii hadlaya tallaabooyinkii ay qaadeen sidii u  difaaci lahaayeen Magaalada taleex oo ay ku sheegi jireen Magaalo-madax ayaa yidhi,

“Kii hore waaad ogaydeen oo dhimasho ayuu ku keenay iyagga oo meesha mataano la yidhaahdo ayey saddex qof kaga dhinteen, kan dambena waa lagu dagaallamay oo ciidamo meelo badan u galay baa jirey”

Waxa uu indha-sheel tilmaamay in xataa shacabka deegaanka Taleex ay qayb libaax ka qaateen Ilaalinta iyo difaacidda Degmada Taleex, waxana uu yidhi,”

Ciidamada awoodo ka faro badan baa yimi oo muquuniyaye ma aha mid la iskaga baxay oo aan lagu dagaalamayn, shacabka laftiisaa ku dagaalamay oo waxay haynba u isticmaalay markay magaalada Gudaheeda soo galeen.”

Isagoo ka warramaya Wafti Ballaadhan oo Somaliland ka socda oo dhawaan Tegay degmada Taleex isla-markaana kala kulmay Soo dhaweyn iyo ciidamo ay qarameeyaan, waxana uu yidhi,

“way jiraan Niman Somaliland  ka socda oo taleex tagay,waxay khaatumo u tageen barnaamij ay beryahanba wadeen oo  ay doonayaan inay caalamka u sheegaan inay Halkan leeyihiin, xaqiiqaduse waa inaanay lahayn. Waxa ka soo kexeeyeyna waa rabitaan la’aanta dadku muujiyeen.”

Mudane Indha-sheel  waxa uu ka Hadlay kasoo bixintaankii ciidanka qaranka  Somaliland ee Gudaha Taleex iyo qaramayntii kooxo ka tirsan deegaankaas oo lagu wareejiyey ammaanka Magaalada, waxana uu yidhi,

“Bulshada caalamka lafteedu wax badan oo khaldan bay aragtaa laakiin ta rasmiga ah ee Somaliland taleex ka saartay waa cadaadis ay kala kulmeen shacabka deegaanka, mana jiro ciidan khaatumo ah oo ay la wareegeen.”

Ugu dambayntii waxa uu Indha-sheel tilmaamay  isla-markaana qiray awoodda iyo baaxadda ciidanka qaranka Somaliland oo ku sheegay kuwo Soddon jirsaday oo ay adagtahay in si fudud loogu babac dhigaa,

“waxa lala dagaallamayaa waa maamul soo jirey soddonnkii  sannadood ee la soo dhaafay, khaatumona waa  cusub tahay oo xaga dhaqaalaha waad ogtahay.” Ayuu yidhi Mudane Indha-sheel.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed