Hargaysa 04.Dec 2013 (SDN)- Gudoomiyaha Madasha wadatashiga iyo toosinta Qaranka Xasan Guurre Jaamac ayaa Xukumadda uu Madaxweyne Silaanyo hogaamiyo ku dhaliilay Xadhiga Shalay ay kula kacday weriyeyaal Mudaharaad dhigayay iyo horjoogsiga Wefti Musharaxa Madaxweynaha Ucid hogaaminayay oo loo diiday in Gabiley uu galo.
Waxa uu Hogaamiyaha Somaliland kula taliyay inaanu marin dariiqii uu Siyaad Barre ku guuldaraystay islamarkaana Caga juglayn iyo Cabdudhin aanu warbaahinta madaxabanaan kula kacin. Waxa uu sheegay haddii dhulka lawada lahaan waayo in cid walba meel yeelanayso taasina noqonayso mid hore loo soo dhaafay oo dhibaato dalka u horseedi karta.
Guji Halkan si aad Mobilkaaga uga Dhagaysato Hadalka Xasan Guure
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/MujXasanGuure4(1).mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
