|

‘’Waxaa wiiqmay isla markaana Abuurmay Siyaasad arrimo dibadeed oo muuq daran’’ Hillary Clinton Iyo awaale Warankeeda Buuga ay soo saartay ee What Happened!!

Washington 10. December 2017 (SDN/QJ):- Murashixii Xisbiga Dimuquraadiga ee Dalka Maraykanka isla markaana hore u soo qabatay Xoghayaha arrimaha dibadda ee maraykanka aya Buugeeda “What Happened” Hillary Clinton waxay ku soo bandhigtay waxay ka filaysay isla markaana ay baratay intii ay socotay doorashadii madaxweynenimo ee dalka Maraykanka iyo natiijadii ka soo baxday.

Waxay si mug dheer uga warantay khibradahii shakhsi ee ay heshay kaddib magacaabidii uu Xisbi awood badan lihi uu gabadhii ugu horeysay ugu magacaabay in ay u tartanto Madaxweyne nimo, tartan doorasho oo ay hadheeyeen cadho & is wajahaad darrani oo ku salaysan ahaanshiyaheeda dumarnimo & xaalado ku suntanaa farxad & murugo oo tartanku watay.

 

Hillary Clinton, waxay si waafi ah uga waramaysaa farogalintii Ruushka & xaaladaha uu ku suntanaa la tartamaheeda Donald Trump oo ahaa mid aan habo yaraatee aan ku dhaqmay wax shuruuc ah isla markaana u arkayay siyaasadaha wax lagu hago kuwo wakhti lumis ah oo aan loo baahnayn.

 

Waxay ka warantay waxay tahay in lala tartamo Donald Trump, khaladaadkii ay samaysay, sidii ay uga soo kabatay xaaladihii murugada lahaa iyo guuldaradii weynayd ee doorashada iyo sidii ay u heshay xooggii & adaygi u suuro galiyay in dib ay cagaheeda ugu istaagtay uguna bilawday nolosha cusub. Waxay badka soo dhigtay khibradii ay waayuhu badeen iyo caqabadaha hor yaala gabadh awood badan shacabka hortiisa; eedayntii da’deeda, codkeeda, muuqeeda, iyo laba wajiilaynta ka hor imanaysa dumarka siyaasada usoo babac dhigaya.

 

Hillary Clinton waxay farta ku fiiqday sidii doorashadii dalka Maraykan ka dhacday 2016 ay u wiiqday dimuquraadiyaddii iyo qiimihii dalka Maraykanku lahaa. Waxay tidhi waxaa wiiqmay isla markaana abuurmay siyaasad arrimo dibadeed oo muuq daran. Hillary, Waxay ku nuux nuuxsatay in dadka Maraykanku ay fahmaan wajiga xun ee kuwa qaabeeyey natiijadii doorashada dalka Maraykanka ka soo baxday si loo ilaaliyo qiimaha dimuquraadiyada dalka Maraykanka ee mustaqbalka.

 

Ugu dambayn, doorashadii dalka Maraykanka ee 2016, waxay ahayd mid taariikhi ah dhinacyo badan. Buuggan Maxaa dhacay wuxuu soo bandhigay sheekadii ololaha doorashada & wixii laga dhaxlay – waxay tilmaamaysaa in loo baahan yahay in isha lagu hayo sidii looga hortagi lahaa waxyaabo badan oo dhacay intii ay socotay hawshii doorashada ee dalka Maraykanku.

Comments are closed