Uncategorized

“Waxaad ka baxdeen Qabiilka iyo Beeshii aad ka soo Jeedeen Maalintii la idiin dhaariyay Xildhibaan-nimada” Prof Maxamed Mixile Boqore

Sheekh 07.June (SDN) Agaasimaha Guud ee Machadka Tababarka Shaqaalaha Dawlada Prof Maxamed Mixile Boqore ayaa maanta tababar in ka badan Toban Cisho u Socday Qaar ka Mid ah Xildhibaanada Golayaasha Deegaanka ee Qaar ka Mid ah Magaalooyinka Dalka waxa uu ugu soo gabo gabeeyay Magaalada Sheekh.

Xildhibaanadan oo Mudo laba iyo Toban Cisho ah qaadanayay duruur la Xidhiidha tayayta maamulka waxaana ka qayb qaadanaya dhawr iyo labaatan Xildhibaan oo ka kala Socday Gobolada Bariga ee Somaliland iyo Degmada Sheekh.

Agaasimaha Guud ee Machadka Tababarka Shaqaalaha Dawlada Prof Maxamed Mixile Boqore oo Gunaanadkii Tababarkaas ka hadlay ayaa Tilmaamay sida ay Waajib u tahay in Xildhibaanada Cusub ee Golayaasha Deegaanka loo doortay inay fahmaan Xilka Ummadu ka sugayso isla markaana ka Midho dhaliyaan Balanqaadadii tirada badnaa ee ay ku kasbadeen Taageerada Shacabka .

Agaasimuhu Waxa uu Xusay in Machadkoodu uu tababaro kan la mid ah hore uga soo fuliyay Qaar ka mid ah Gobolada Galbeedka Somaliland, Prof Maxamed Mixile Boqore wax uu Hoga tusaaleeyay Xildhibaanada ku Soo baxay Doorashadii Golayaasha deegaanka in Maalintii la dhaariyay ay ka baxeen Xayndaabkii qabiilka iyo Beelaha “Waxaad ka baxdeen Qabiilka iyo Beeshii aad ka soo Jeedeen Maalintii la idiin dhaariyay Xildhibaan-nimada,Waa inaad Ogaataan inaad Dhex u Tihiin intii dooratay iyo kuwii aan dooranba” ayuu yidhi Agaasimaha Machadka Tababarka Shaqaalaha Dawladu.

Prof Mixile Wuxuu ku baraarujiyay Xildhibaanada Tababarku u soo Xidhmay inay ilaaliyaan kala danbaynta Maamulka dawliga ah,isagoo intaas ku daray in Hogaanka ay u doorteen Magaalooyinka ay ka Yimaadeen ay kula Xisaabtamaan Waxqabadka Ummadu ka Sugayso.

Sheekh SDN.

Qurbejoog.com