Aniga oo ah Nimco C/wahaab Shirdoon kana tirsan shaqaalaha wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta gaar ahaan TV-ga qaranka. waxaan halkan ka cadeynayaa in TV-ga qaranku aanu ahayn TV qaran ee uu yahay tv uu isasiiyey Khadar Cali Gaas oo uu u isticmaalo wax walba oo awoodiisa ah shaqaalahana ula dhaqmo sifo ka baxsan xeerka shaqaalaha dawlada.
taana waxa cadaynaysa aniga oo ah Nimco C/wahaab Shirdoon oo kamida shaqaalaha rasmiga ah ee TV-ga qaranka kadib markii uu igula kacay cay iyo aflagaado ay ka muuqato masuuliyad daro sababta uu caydaas iigu gaystayna aanu ii sheegin intaa kadibna uu ii yimid ku xigeenkiisa Qaasim iina sheegay in ay iga joojiyeen shaqadii aan ka hayey TV-ga qaranka kuna soo noqonayn ilaa inta ay xilka hayaan halkaana laga dareemayo maamul xumada ka jirta TV-ga qaranka
waxa manta igu kalifay in aan dad weynaha u soo bandhigo aflagaadada uu igula kacay maareeyaha TV-gu.”.
