Garowe 14.Jan 2014 (SDN)- Madaxweynaha Cusub ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta si rasmiya xilka ugala wareegay Madaxweynihii hore ee Maamulkaasi Dr Cabdiraxmaan Faroole. Munaasibad lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa ka soo qayb galay Madaxweyne xigeenkii hore iyo ka cusub iyo masuuliyiin kale.
Madaxweynihii hore ee Puntland Dr Faroole oo ka hadlay Munaasibadaasi ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay wareejinta Xilka isagoo inta badana u mahadceliyay cid kasta oo la soo shaqaysay iyo shacabka Puntland.
“ waxaan madaxweynaha cusub u rajaynayaa inuu hawshaa culus oo aan ogahay inay culustahay oo aan anigu soo maray shan sano oo cadaadis ah in Ilaahay u fududeeyo. Waxaanan balan qaadayaa wixii aan awoodi karo inaan la qabto aniga oo aan waxba ku qabsanayn. Waxaan Dadka Reer Puntland dhamaantood u soo jeedinayaa inay Madaxweynaha Cusub la shaqeeyaan sidii ay iila shaqayn jireen. Hal halkii qaylada badnaa ee meelahaa Xaashiyaha ku gubgubi jirayna waxaan filayaa inay joojin doonaan haddii ay arkeen Nin cusub oo la doortay.” Ayuu yidhi Faroole
Waxa uu intaasi raaciyay Dr faroole” waxaan rajaynayaa kuwa aniga inaan kursiga ka tago ku faraxsan inuu mid aniga ila mid ahi uu yimid, hore ayaan idiinku sheegay in haddii aan ka tago Kursiga mid ila mid ahi uu imanayo”
Madaxweynaha Xilka la wareegay Cabdiweli Gaas ayaa isna sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu la wareego Xafiiska looga taliyo Puntland iyo hantida qaranka.
“Waxaan qirayaa in Puntland ay kajirto Dawladnimo rasmi ah, oo leh Ciidan xoogan, amaan fiican, iyo Garsoor, waxaana mahadeeda iska leh Madaxweyne Faroole iyo intii lasoo shaqaysay,” ayuu yidhi Dr Cabdiwali Gaas.
Isbadalka Siyaasadeed ee ka dhacay Puntland iyo doorashada nabad galyada ah ayaa si diiran looga soo dhaweeyay degaanada Soomaalida iyo wadamada Jaarka ah.
Garowe SDN.
Qurbejoog.com
