|

“Way Adag Tahay In Xal Laga Gaadho Saami-Qaybsi Caddaalad Ah Waxaanu Keeni Karaa Doorashada Wakiilada Oo Dib U Dhacda”….Cali Guray

Hargaysa, 29 February, 2016-(SDN/QJ) :– Guddoomiye Ku Xigeenka 3aad ee xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay natiijo wanaagsan oo ka soo baxda dhaqdhaqaaqa ay Golaha Wakiilada Somaliland wakhtigan ka bilaabeen xeerka Doorashada Golaha Wakiilada oo muddo badan cabasho ka taagnayd kaasi oo Saami Qaybsiga Xildhibaanada Golaha ka dhigaya mid ag isaga oo Cali Guray sheegay in qabyadu halkeedi tahay wax natiijo ahna aanay ka soo bixin karin oo aan ka ahayn in doorashada Golaha Wakiilada dib loo dhigo haddii aan xataa ta Madaxweynahaba dib loola dhigin oo aanay iyadu sababin waxaanu masuuliyadda qabyada xeerkaasi xasaasiga ah dusha u saaray Xildhibaanada Golaha Wakiilada oo uu sheegay in aanay gelin cid kula xisaabtanta xataa aanu jirin Madaxweyne go’aan adag ka qaadan kara oo kala diri kara ayna keeni karto in ay iska sii fadhiyaan kuraasta.

 

cali-gurayCali Guray ayaa sheegay in ay adag tahay in ka helo xal caddaalad ah oo lagu wada qanci karo oo ku saabsan Saami qaybsiga kuraasta Golaha Wakiilada.

Guddoomiye Ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID oo daba socday kulankii Khamiistii ka dhacay Golaha Wakiilada Somaliland ee lagu shaaciyey daraasada laga soo samayn doono gobolada dalka oo dhan si loogu kuur galo qaabka ugu wanaagsan ee saami qaybsi habboon loogu samayn karo kuraasta xildhibaanada Golaha Wakiilada ayaa waxa uu Cali Guray sheegay in xeerka doorashada Golaha Wakiiladu yahay mid aan laga yaabin la qabyo tiro loona sugo si caddaalad ah oo meel mar ah, isaga oo sheegay in xeerkaasi qaadan doono sannado kale maadaama aanay golaha wakiiladu si habboon u xallin Karin xasaasiyaddiisa.

 

Cali Guray oo arrinkaasi ka hadlayaa waxa uu qoraal kooban oo uu ku baahiyey degelkiisa Mareegta Facebook uu ku sheegay sidan: “Qabyo Waa Halkeedii.

 

Xeerkan doorashada wakiilada lagama yaabo in la qabyo tiro oo saami qaybsi cadaalad ah lagu meel mariyo. Wuxuu keeni karaa keliya in labada doorasho in la kala qaado oo tan Wakiilada dib loo dhigo hadii aan labadaba dib loo wada dhigin inta la keenayo saami qaybsi lagu wada qanci karo oo runtii ay adag tahay in la heli karo” ayuu yidhi Guddoomiye xigeen Cali Guray isaga oo hadalkiisa intaasi ku daray:

 

“Xujadan aan furaheeda la hayn ee Xeerka Doorashada Wakiilada waa masuuliyad uu iska leeyahay hor iyo horeetoba Aqalka Wakiiladu hadii ay tahay in cid lagula xisaabtamo iyaga ayay tahay in lagula xisaabtamo balse waynu hubnaa in aan cid kula xisaabtamaysaa jirin haddii xataa uu qaadanayo sannado kale way iska sii fadhiyi karaan Madaxwayne go’aan qaadan kara oo kala diri karaa in aanu jirina way ogyihiin. Markaa qabyo waa halkeedii” ayuu yidhi Guddoomiye ku xigeenka 3aad ee xisbiga UCID.

Comments are closed