|

“Xukuumadda Hada Jirta Waxay kaga Duwan Tahay Kuwii ka Horeeyay Waa Mid Qabiil Ku Dhisan Oo Xilka… “Wasiirkii Hore Ee Maaliyada Maxamed Xaashi DAAWO

Hargaysa, 29 February, 2016-(SDN/QJ) :– Wasiirkii hore ee wasaarada maaliyada Somaliland Mudane Maxamed Xaashi ayaa ka hadlay aragtidiiisa u aadan gudidii uu dhawaan madaxwayne siilaanyo u magacaabay ictiraaf raadinta Somaliland isagoona dhaliilay qaaabka uu madaxwaynuhu u magacabay Gudida kuna tilmaamay mid uu madaxwaynuhu lasoo habsaamay waxaana uu yidhi.

maxamed xaashi“Waxaan ua arkaa ictiraad somaliya laga raadinayo inaanuu ictiraaf noqonayn lagana helayn, loomana baahna kolkaa waxaa odhan karaa waa madadaalo iyo wakhti lumaya uun, guddi 17 qof ka kooban sida layskugu keenaana way adag tahay oo midba meel joogo, kolkaa wax caqli ku dhisan maaha mabda’a loo raadinayo ictiraaf raadintana meel qaldan ayay ka raadinayaan”Sidaas ayuu yidhi Maxamed Xaashi.

Dhanka kale isagoo wali hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu ka hadlay tirade wasiirada Somaliland waxaana uu sheegay inay khasaare mooyee aanay faa’ido kusoo kordhinayn waxaaa uu yidhi

“Dawlada hada jirta ee ay ku jiraan 57 wasiir iyo wasiiro dawlayaal iyo agasimayaal waa khasaare uun oo wax faa’ido ah ma leh wax caqliga galena maaha, lacagta ay qaadanayaan mid kastebaa ee faraha badan ee halkaa galaysa waxay ahayd inta wasiirada la dhimo in dalka iyo dadka wax loogu qabto ragan 17 qof ka kooban ee gudida loo saarayna waxba maso kordhinayaan ee waaa kahsaare kale uun iyo kharash la burburinayo markaa waxay ahayd xukumadu inay sida uyga naxariis bataan oo ay dalka horumarkiisa ka shaqeeyaan”Sidaas ayuu yidhi Maxamed Xaashi

Sidoo kalena Maxamed Xaashi Waxa uu ka hadlay heerka ar marayso maanta qabyaalud isagoona carabka ku dhuftay inay xukuumaddan hadda talada haysaa ay taahy xukuumada kaliya ee hab qabiil kusoo doorata shaqaalaha waxaana uu yidhi.

“Dawladii Cabdiraxmaan Tuur tii Ina Cigaal Iyo dawladii riyaalaba hab qabiil shaqaalaha laguma soo dooran jirin laakin dawlada hada jirtaa waa dawlada kaliya ee hab qabiil lagu soo doortay ama wax ku doorata, kolkaa qabiilkii waxaad moodaa inuu aad inoo xulay markaa dhalinyaradana waxaan leeyahay idinku ka baxa oo haku dayinana oo danta umaddu waxay ku jirtaa in mabda’a lagu shaqeeyo ee maaha in qaabiil wax lagusoo dorto”Sidaas ayuu yidhi wasiirkii hore ee wasaarada maaliyada Somaliland Maxamed Xaashi.

Comments are closed