Uncategorized

Weftigii Xukuumada ee Ku Sugnaa Gobolada Bari oo Deeq kala duwan Gaadhsiiyay Goobaha Adeega Dadweynaha

Buuhoodle 20.Jan 2014 (SDN) Wasiirka arrimaha gudaha ee  Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde ayaa deeq isugu jirta xoolo iyo agab kale gaarsiiyay isbitaalka guud ee degmada Buuhoodle, saldhigga booliska iyo xarumaha daryeelka agoonta.

vlcsnap-2014-01-19-16h27m25s38Wasiirka oo kulan la yeeshay ganacsatada, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kale ee bulshada ayaa kala hadlay arrimaha ganacsiga iyo nabadgelyada.

Wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay iskaashi dhinac walba ah oo dhex mara dadweynaha iyo maamulka degmada.

Waran-cadde ayaa Buuhoodle uga sii gudbay deegaanka Aricaddeeye si loo xalliyo colaad u dhaxaysa beelo wada dega halkaasi.

Wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Somaliland iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dhowaanahanba socdaal ku marayay deegaanno ka tirsan maamulka, si wax looga qabto dhibaatooyin kala duwan oo ka jirta.

Buuhoodle SDN.

Qurbejoog.com