Uncategorized

Xaalad Colaadeed Oo Ka Taagan Deegaanka Kalshaale Iyo Xukuumadda Oo Awoodeedii Iskugu Geysay Baabi’inta Wakiillada Sharciga ah.

Qorulugud:10-Feb-2014-(SDN)-Deegaanka Kalshaale Oo u dhexeeya Magaalooyinka Qorilugud iyo Buuhoodle, ayaa waxa Ka Taagan Xaalad colaadeed iyo Baqdin shacabku ka qabo in labada dhinac ee Halkaas deggeni isku dhacaan.

subulLabada dhinac ayaa si weyn isugu Abaabulaya Dagaal ay isku qaadaan, waxana socda Abaabul iyo Diyaargarow ballaadhan oo loogu diyaargaroobayo in gacanta la is Geliyo, maadaama  Beelahaas mid ka mid ah Maalin ka hor Qof laga Dilay mid kalena laga Dhaawacay.

Beesha Deegaanka Qorilugud oo iyadu Sheeganaysa dilkan dambe, ayaa ilaa Habeen hore ku jirtey Diyaargarow, waxana Hub culus iyo Ciidan Badan la dhigay Aagga Xuduudda  u ah labada dhinac.

Ciidanka qaranka oo Halkaas  wax yar u jira ayaa la sheegayaa inaanay Haba yaraatee wax tallaabo ah qaadin, waxana jira cabsi badan iyo qax soo wajahay dadka Deeganadaas ku sugan ee Maatada iyo carruurta ah.

Xukuumadda oo lagu waday inay Arrintan gurmad ka Gasho, ayaa wali wax tallaabo ah qaadin, waxana ay u muuqataa m id ku mashquulsan sidii ay Dagaalkeeda iskugu geyn lahayd tukhaantukhinta Guddoomiye Cirro oo laf dhuun gashay ku noqday.

Ciidankii, xooggii iyo Fikirkii lagaga shaqayn lahaa Nabadda Deegaanada Colaadu ka soo Korodhay, ayaa waxa la iskugu geeyey sidii loo wiiqi lahaa Awoodda Golaha, waxana ciidamo Tiro dhaaf ah lagu daadiyey waddooyinka waaweyn ee Ku dhaw Baarlamaanka.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com