Uncategorized

Maxay Xalay Ku Kala Hoydeen Wasiir Xirsi Iyo Koox Uu Hoggaaminayo Cali Marreexaan Oo Gondaha Isdaray?

Hargeysa:10-Feb-2014(SDN)-Waxa Habeenkii Xalay Aqal ku Yaalla Magaalada Hargeysa uu kulan qarsoodi ahi ku dhex maray Wasiir Xirsi iyo Kooxo Xildhibaano iyo Waxgarad kale iskugu jira oo uu Hoggaaminayo Xildhibaan Cali Marreexaan oo  hormood u ah  kooxda Wadda Mooshinka Meesha lagaga Saarayo Guddoomiye Cirro.

in in inKulankan oo ahaa mid qarsoodi ah, ayaa waxa ay sheegayaan warar hoose oo ay ka Heshay Qurbejoog.com inay inuu wasiir xirsi kooxdan ku wargeliyey inuu si weyn uga Biyo Diiddan yahay Habka Gaabiska ah ee uu ku socda Mooshinka  lagu ridayo Guddoomiye Cirro, waxana uu ku Gooddiyey inaan la aqbali Karin jiitanka iyo Habacsanaanta ka Muuqata Hawshii Madaxtooyada lagu soo Jaangooyey eek a dhanka ahayd Guddoomiye Cirro.

Wasiirka ayaa la sheegay inuu kooxdan ku Wargeliyey in laga Hortago oo la Aabudho Tallaabooyinka iyo isku dayyada uu Guddoomiye Cirro Mudada ku sii dheeraysanayo si uu Dareenka Bulshada u helo, waxana uu Halkaas ka sheegay in Loo Baahan yahay in Goluhu Gudo galo arrintii Madaxtooyada lagu soo Jaangooyey oo aanay Mudada isku sii Dheerayn, maadaama ay soo Kordhayso Cadaadiska Madaxtooyada kaga Imanaya Dhinaca Bulshada iyo Beesha caalamkaba.

Xildhibaan Cali Marreexaan oo isaguna u baxay Hadalka ayaa la sheegay inuu Wasiirka u sheegay inaanay khasaare Noqon doonin abaabulkii Madaxtooyadu, isla-markaana uuu Kalsooni weyn  ku qabo inay Maanta natiijo ka keenayaan  fadhigooda oo si weyn looga Farxi doono  Madaxtooyada oo Kharash badani ka Galay Meesha ka Saaridda Guddoomiye Cirro.

Waxgaradkii kale oo goobta  joogay oo u badnaa Kuwa guulwadaynta Xirsi ku ceesha, ayaa iyaguna Halkaas  ka sheegay in loo Baahan yahay In Natiijo la  keeno, waxana ay Xildhibaaanadii Goobta joogay ku dhiirrigeliyeen inaanay Wakhtiga isku Dheeraynin, maadaama ay Haatan  Bilaabeen  Mawjado mucaarid shacab ah oo lagu diidan yahay Tallaabada Madaxtooyadu ku Wiiqayso awoodaha Guddoomiye Cirro.

Xirsi cali Xaaji Xasan oo  isagu in Badan ku Gooddiyey inuu meesha ka saari doono Guddoomiyaha Wakiillada, ayaa Haatan Lacagtii ugu badnayd ku Lumiyey Hirgelinta Hamigiisa ka dhanka ah  Cirro, waxana uu si weyn u dhibsanayaa Inuu Mooshinkaasi sii Jiitamo.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com