Uncategorized

Xabad Joojintii Siiriya oon Dhaqangelin iyo qalalaasihii dalkaa oo ku fiday dalalka Turkey iyo Lebanon

Istanbul April 10,2012(SDN)-Xabda Joojin ay aheyd in maanta ay ka dhaqan gasho dalka Siiriya ayaan sidii la filayay u hirgelin ka dib kolkii dalka Siiriya xukuumadiisu dhuruud hor leh ku xidhay in ciidamada dawladu ka baxaan magaalooyinka qasan.

Xukuumada Siiriya ayaa dalbatay in kooxaha kacdoonka wada oo ay ugu yeedho argegixiso in ay gebi ahaanba hubka dhigaan inta aaney ciidamadoodu joojin xabada.

Dalka China oo cilaaqaad wanaagsan la leh Siiriya ayaa xukuumadaas ka dalbaday in ay dhaqan geliso xabad joojinta.

Ciidamada Siiriya ayaa duqeymo dad ku dhinteen ku qaaday xeryo qaxooti oo ku yaal guddaha dalalka Turkey iyo Siiriya.

Qaskii Siiriya ayaa u muuqda in uu ku fiday dalalka Jaarka,Turkiga ayaa hore ugu goodiyay in tilaabo ciidan ay qaadi doonaan hadii lagu qasbo.

Turkiga ayaa sidoo kale ka tirsan isbeheysiga NATO oo hadii Siiriya ay weerato ay kala kulmi karto jawaab ciidan oo aaney iska caabin karin.

SDN-Istanbul

contact@somalidiasporanews.com