Muqdisho 20.Nov 2013 (SDN)- Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo dhoweysay go’aanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu halka sano ugu kordhiyay howlgalka la-dagaallanka burcad badeedda.
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Cabdi Faarax Shirdoon ayaa sheegay in xilli kordhinta ay awood u siineyso dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda xoojinta dedaallada lagu doonayo in lagu soo afjaro dhibaatooyinka burcad badeedda.
Shirdoon ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay waddo qorshe lagu tayeynayo ciidamada badda, si loo ilaaliya biyaha Soomaaliya.
Wuxuu xusay in si loo soo afjaro burcad badeedda loo baahanyahay in lala dagaallamo sababaha rasmiga ah ee dhalinta u horseedi kara burcad bdeednimada oo ay ugu horreeyaan faqriga, shaqo la’aanta iyo xasilloonida darrida.
Ra’iisul wasaaraha ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in la dardar galiyo dib u dhiska iyo tayeynta laamaha garsoorka si eedeysanayaasha lala xiriirinayo burcad badeednimada loogu maxkamadeeyo gudaha Soomaaliya.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com
