New york:22-Sep-2013(SDN)-Xarunta Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa si adag looga cambaareeyey weerarkii argagixisada ahaa ee ay dadka badan ku dhinteen ee ka dhacay xarunta ganacsiga ee Westgate ee magaalada Nairobi.
War saxaafadeed uu goluhu soo saaray ayaa lagu sheegay in dhammaan 15-ka xubnood ee golaha ammaanka ay sida ugu adag u cambaareynayaan weerarka Nairobi, ugana tacsiyeynayaan dowladda iyo shacabka Kenya dadka wax ku noqday musiibadan.
Ugu yaraan 59 qof ayaa ku dhimatay weerarka Westgate, iyadoo ay in ka 170 kale ku dhaawacmeen kaddib markii koox hubeysan ay weerareen Sabtidii shalay.
Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, waxayna ku tilmaamtay mid ay kaga aargoosaneyso gelitaanka ciidamada Kenya ee Soomaaliya.
Waa weerarkii ugu xumaa ee Kenya ka dhaca tan iyo qaraxyadii safaaradda Mareykanka ee Nairobi lala beegsaday sanadkii 1998.
Inta badan Beesha caalamka ayaa si kulul oo aan kala hadh lahayn u cambaaraysay weerarkaas oo aan wali dhammaanin, waxana haatan soo kordhaysa dhimashad dadka iyadoo ay jiraan dad badan oo wali Goobtaas ku go’doonsani.
Somalidiasporanews.com
Contact@somalidiasporanews.com
