Uncategorized

Xiisada Xeerka Wadooyinka ee Golaha Wakiilada oo Cirka isku Shareertay iyo dhacdooyin hor leh oo Golaha Mar kale ka soo Cusboonaaday

Hargaysa 18.Sep 2013 (SDN)- Golaha Wakiilada Jamhuuriyada Somaliland ayaa fadhigiisii maanta  Waxaay mudanayaashu sii wadeen dood aad u kulul oo ku saabsanayd Xeerka Horumarinta Wadooyinka oo dhawaan ay u xukuumadu usoo gudbisay Golaha.

Fadhigii maanta ee Golaha Wakiilada ayaa mudanyaasha Golahaasi waxay aad ugu kala aragti duwanaayeen, waxa laga yeelayo Xeerka Takaaliifra Wadooyinka,Cashuurta lagu kordhinayo Xoolaha dhoofaya iyo Wado marista Baabuurta.

Mudanayaasha qaarkood ay aaminsanaa inuu dalku u baahanyahay wadooyin farabadan oo aanay suura gal ahayn in wax laga qabto wadooyinkaa hadii aan loo helin dhaqaale isla markaana dalbaday in la Meel mariyo Xeerkan.

xildhibaano-is-feedhayGeesta kale Xildhibaanada kale ee  ka soo horjeeda ra’yigaasi ay iyagu ku baaqay in wakhti xaadirkan,aan loo baahnayn cashuur cusub oo lagu kordhiyo xoolaha dhoofaya iyo baabuurta, iyagoo soo jeediyay in waxyaalaha aan daruuriga ahayn cashuur dheeraad ah la saaro,Waxaa kale oo Mudanayaashani ku doodeen in Xeerkani uu Culays xoogan ku noqonayo Bulshada isla markaana Golaha ka dalbaday in aanay ku sifoobin kuwo Shacabka lagu garaaco.

Waxaa kale oo Mudanayaashani intaasi ku dareen in hadii la kordhinayo cashuur cusub loo baahanyahay in Wasaarada Maaliyadu ay keento isla markaana lagu soo daro Sannad Miisaaniyadeedka Cusub.

Tan iyo Intii ka danbaysay doorashadii Madaxtooyada ayaa waxaa maanta isku faro saaray laba xildhibaan oo kala ah Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa iyo Mudane Axmed Cabdi Kijaandhe kadib markii uu Xildhibaan Kijaandhe si badheedh ah uga soo dhex galay dooda uu watay Mudane Buubaa taas oo saxmad ku abuurtay fadhigii Maanta

Xildhibaano buubaa dagaalWaxaa kale oo Maanta Markii u horaysay ka qaybgalay dooda Xeerkan Xubin ka Mid ah Shirgudoonka Golaha Wakiilada gaar ahaan Gudoomiye ku Xigeenka 2aad ee Golahaasi Mudane Cali Yuusuf Axmed,Maadaama uu sharcigu u Ogol yahay ka qayb qaadashada dooda hadii Xubin ka saraysa oo Shirgudoonka ahi ay fadhiga hogaaminayso.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro ayaa Gunaanadkii fadhigaas ku wargaliyay Xildhibaanada Goluhu inay sii ambo qaadi doonaan Dooda Xeerkan Maalinta Sabtida ah ee soo socota.

Inta badan Shacabka Somaliland ayaa u dheg taagaya Sida uu Golaha Wakiiladu u Maareeyo Xeerkan Wadooyinka oo uu Golaha u soo Gudbiyay Wasiirka Madaxtooyada isla markaana ku doodaya inay ku jiraan qodobo culays ku ah bulshada,Sidoo kale Mudanayaasha Golaha Wakiilada ayaa u Muuqda kuwo dhinac iska dhigay habacsanaantii ay ku meel marin jireen Xeerarka noocan oo kale ah iyadoo dooda Mudanayaashu ay si Mug leh u dul istaagayaan Galdaloolada ka Muuqata Xeerkan halka kuwa kalena ay aaraadoodu u janjeedho in la ansixiyo xeerkan.

Hargaysa SDN.

Contact@somalidiasporanews.com