Uncategorized

Hawl gal lagula Tacaalayo Fatahaada Webiga Shabeele oo Weli lagu hawlan yahay

Jawhar 18.Sep 2013 (SDN)- Degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa wali waxaa ka socda dadaallo ay shacabka iyo maamulka degmada ugu jiraan xakamaynta biyaha ku soo fatahay qeybo ka mid ah magaalada.

Dadka ayaa xakameynta biyaha ka soo fatahmay webiga u adeegsanayo sanaadiiq biro laga sameeyay iyo jawaanno carro ah, si ay u yareeyaan fatahaadda webiga uu ku sameynayo degmada.

Biyaha uu fatahay webiga Shabeelle ayaa saameyn ku yeeshay gobolka, iyada oo ay xirmeen waddooyinkii isku xirayay degmada Jowhar, gobollada kale iyo magaalada Muqdisho.

Toddobaadkii hore ayaa laga weeciyay degmada Jowhar biyaha webiga oo aad ugu soo dhowaaday.

Jawhar SDN.

Contact@somalidiasporanews.com