|

Xiisaha Ku Duugan Sil Silad Suugaanleydii Caan Baxday ee Siinley, Qaabka Farshaxan ee Loo Goleeyey,& Humaag aragii Hal abuurka DAAWO

Hargaysa 27. May 2017 (SDN/QJ):- Waxa aanu maanku ka biyo diidayn in garasho midaysani ka dhaxeysay hormoodkii taxano maanseedkii Siinleyda.

Taasoo aheyd in halgan la galo oo maamulkii xiligaa jirayna aanu gudaneyn xilkii saarnaa ama looga bahnaa inuu guto.Hase yeeshee waxaa aad laysugu maandhaafsanaa sida looga hortagayo ee uu halganka la galaa ku midho dhalin lahaa.

Xiligan siyaasadu way qalafsaneyd ,umadduna waxay aad uga niyad jabsanaayeen maamuladii rayidka ahaa ee ka horeeyey maamulkan kacaanka cusub ku dhawaaqay isbadalna ugu yaboohay ummada hamuunta u qabta hogaan cusub oo rafaadkii iyo hagardaamadii gumaysiga ka reeba kol haddii kuwii rayidka ahaa gumaysigii hab aamuleedka la wadaageen , diirkana bulshada la wadaageen dadnimana ka madhnaayeen .

Sidaa darteed waxaa la filayey inuu maamulkan afganbiga milatari ku dhashay dhaami doono kuwii hore ee lagu hungoobay layskuna qancin jiray inay qaab dastuur ku soo baxeen.

Comments are closed