Hargeysa Feb10,2014(SDN)-Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin ayaa warbixin ka siiyay saxaafada kulankii buuqa badani ka dhashay ee Gollaha Wakiilada Somaliland oo mooshino la horgeeyay muran ka dhashay.
Xildhibaanka ayaa guddoomiyaha gollaha wakiilada ku eedeeyay in uu isu rogay keligii taliye isla markaana ay aheyd in uu gollaha sharciga ku hago,hadaladiisiina waxaa ka mid ahaa;“Xildhibaannadan waxay ka mid yihiin 57 xildhibaan ee saaka dhiibay mooshinnada waxaanu soo dhignay golaha saddex mooshin oo sidii caadadu ahaan jirtay, aan ka gedisanayn kuwii hore ee la keeni jiray ka koowaad waxa uu ahaa muddadii golaha oo dhamaanaya iyo kordhintiisa oo ay saxeexeen 39 mudane oo codsaday in muddo saddex toddobaad ah lagu daro golaha magacyadoodiina waa la yeedhiyay, sharciguna waxa uu dhigayaa in qofna ama in ka badani ay soo jeedin karaa shuruudihii looga baahnaana wuu wataa.
Mooshinka labaad ee la soo dhigayna wuxuu ahaa mid la xidhiidha wax ka bedel lagu sameeyay xeer hoosaadka golaha xubnaha shirguddoonka guddoomiyaha iyo labada ku-xigeen xil ka qaadistooda oo awal ahayd 55 waa la kala qaybiyay guddoomiyaha waxa laga dhigay 55 labada guddoomiye ku-xigeenna waxa laga dhigay 42 cod in lagu ridi karo sidaas ayaa xeerkii lagu macneeyay.”
Waxay mudaneyaashu soo jeediyeen oo mooshinka uu labaad ahaa in saddexdii shirguddoonka codka lagaga qaadi karo 42 cod waxaana meesha laga soo jeediyay 55 mudane oo saxeexay, mooshinka ayaa meesha laga soo jeediyay 9 xubnood oo guddida joogtada ahina, way soo saxeexeen iyadoo guddoomiyuhu doraad eryay 4 ka mid ah oo aanaan ka hadal oo sabab uu u cuskaday aan la garanayn, laakiin wuxuu sheegay in uu jabay oo sharciga la iskula noqon doono, halkii ay ka ahayd in labada mooshinba la yidhaahdo ma jiraan fikrado ka soo horjeeda, haddii fikrado ka soo horjeedaan dood baa la galinayaa, ka dib cod ayaa loo qaadayaa, wuu ka booday wuu xidhay shirkii, waanu ka baxay madashii, waxaananu doonaynay haddii uu ka baxo shirka inuu fadhiisto guddoomiye ku-xigeenku oo guddoomiyo shirka oo halkiisii ka socdo, qasbaa la sameeyay kuraasidii ayaa la jajabiyay laydhkii ayaa la bakhtiiyay shaqaalihii golaha ayaa la isticmaalay qaar ka mid ah, welina kama tagin wanaagii golaha uu sii socdo guddoomiyahana waxaanu leenahay waa in aad waajahdaa xaqiiqada saaxiibadii kula fadhiyay 42 ayaad ka dhigtay, adna waa inaad noqoto 42, labaduba way kaa cod badan yihiin inuu kali-taliye nagu noqdo umaanaan dooran in uu xeerarka nagu dhaqo ayaanu u dooranay.”ayaa ka mid aha ahadaladii Cabdiraxmaan dheere.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com
