Uncategorized

“Ma jiro wax caafimaad darro ah oo uu madaxweynuhu dareemay, aadna wuu u fiican yahay aadna wuu u ladan yahay, bixintaankiisuna ma aha……” Eng. Yariisow

 

Muqdisho:10-Feb-2014(SDN)-Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa Shaki Laga Muujiyey Xaaladdiisa Caafimaad, waxana Arrintaas ka Hadlay Afhayeenkiisa Eng. Yariisow.

yariisowMadaxweynaha ayaa Maalitnii shalay Safar  kedis ah oo aan la sii shaacin ugu Baxay Dalka Turkiga ayaa la Sheegay in Caafimaadkiisa Dartii uu la Xidhiidho Safarkiisu.

Afhayeenka Madaxweynaha Somalia Cabdiraxmaan Yariisow,  oo la Hadlay Idaacadda VOA-da ayaa sheegay inuu Madaxweynuhu halkaas u tegay inuu Xaaladdiisa Caafimaad hubiyo,  “Madaxweynaha Somalia waxa uu aaday Magaalada Stanbul, waxana uu u aaday sidii uu u mari lahaa Hubinta caafimaadkiisa, muddo kooban ayuu maqnaan doonaa Soo noqoshadiisu waxay ku xidhan tahay sida uu hawsha u galo,” ayuu yidhi Yariisow.

 

Sidoo kale waxa  uu Afhayeenku daaha ka rogay inuu Madaxweynaha Caafimaadkiisu aad u fiican yahay, isagoo Meesha ka Saaray in xaaladiisu liidato, waxana uu yidhi,  “ma jiro wax caafimaad darro ah oo uu madaxweynuhu dareemay ma jirto, aadna wuu u fiican yahay  aadna wuu u ladan yahay, bixintaankiisuna ma aha xanuun haya ee waa inuu is hubiyo, waana Taxaddar oo muddo bilo ah ayuu madaxweynuhu shaqaynaye Habeen iyo maalinba oo aanu wax nasasho ah Gelin.”

Dadweynaha Soomaaliyeed ayaa si weyn u hadal haya Xaaladda cusub ee Madaxweynaha Somalia, waxana wali aanay Faahfaahin Madax bannaan ka haynin Xaalka uu haatan ku jiro madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Somalia ayaa Maalintii shalay si Kedis ah ugu duulay Dakla Turkiga, waxana Halkaas la sheegay inay ugu iman Doonaan Qaar ka mid ah Ehelladdiisa oo Yurub ka Imanaya, iyadoo  Xubno wasiirro ah iyo Xildhibaano iskugu jiraan ay sii Raaceen.

 

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com