Uncategorized

Xisbiga Kulmiye iyo Maxaa kala Haysta Qabsashada Shirweynahooda oo dib loo dhigay Lix Bilood kadib

Hargaysa 14.Jan 2014  (SDN)- Guddida qaban qaabada Shirweynaha 3aad ee Xisbiga Kulmiye ayaa la filayaa in ay si dhakhso ah ugu dhawaaqaan in ay guddi shirweynihii dib u dhigeen muddo Lix bilood ah, iyadoo ay ku sababayn doonaan khilaafka Xisbiga ka dhex jira dartii.

kulmiye6Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland aya aToddobaadkii hore ku dhawaaqay in ay shirka Dib u dhigayaan, sidoo kale na Madaxweyne Axmed maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa ku taageeray kadib markii su’aal laga weydiiyay waxa uu ka qabo dhawaaqa Madaxweyne ku-xigeenkiisa.

Guddida qaban qaabada Shirweynaha Xisbiga Kulmiye oo tan iyo intii la magacaabay ku dhex milantay Garabyada Xisbiga ayaa la filayaa maadaama ay iyadu leedahay awooda rasmiga ah ee u dhawaaqida in ay si rasmi ah ugu dhawaaqi doonto saacadaha soo socda.

Illaa hada Hogaanka Xisbiga Kulmiye ee Garabka Muuse Biixi kamuu hadal dibu-dhigista ay ku dhawaaqeen Madaxweyne Siilaanyo iyo C/raxmaan Saylici, waxaanay u eegtahay in ay lama filaan ku noqotay arrintani maadaama aan lagala tashan.

Si kasta ha ahaatee dibu-dhigista Shirweynaha Xisbiga Kulmiye ayaa maraya markii Afraad taasoo lagu eedeeyo in ay sharci daro tahay balse illaa hadda Xisbiyada Mucaaradka ah oo Loolan ka dhaxeeyo kamay hadal fursadan ay ku dhaliili karaan Xisbul Xaakimka halka ay kaga wareeriyaan Bulshada waxyaabo aan la taaban Karin.

Sidoo kale, Guddida Qaran ee Diiwaangelinta Ururada siyaasadda iyo Axsaabta Qaran oo ay shaqadoodu tahay in ay Axsaabta ku ilaaliyaan shurrucda u taala iyo Xeerarka Doorashooyinka ayaan wax talaabo ah ka qaadin dibu-dhacyada ku yimi shirweynaha Xisbiga Kulmiye.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com