Uncategorized

Xisbiga Kulmiye oo Shaaciyay Tirada Guud ee Ergooyinka ka qayb geli doona Shirweynaha 3aad ee Xisbiga Kulmiye iyo Shir kale oo ay Beri u balameen

Hargaysa 28.October 2013 (SDN)- Xisbiga Kulmiye ayaa Shir ay Galabta Yeesheen waxay ku ansixiyeen Tirada Guud ee Ergooyinka Ka qayb galaya Shirweynaha Sadexaad eee Xisbiga Kulmiye inay noqoto Sideed Boqol iyo Kow Ergay,Waxaa kale oo Shirkaas la iskula qaatay in Xubnaha Gudida Fulintu ay beri isugu yimaadaan shir kale oo oo ay ku sii lafo guraan qaabka ay ku hawl galayaan Gudidad Qaban qaabada Shirweyanaha 3aad ee Xisbul Xaakimka Kulmiye .

Xasan SiciidWaxaana Sidaa lagu sheegay Warsaxaafadeed uu soo saaray Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf kaas oo u dhignaa Sidan :- Shir ay xubnaha Guddiga Fulinta ee xisbiga KULMIYE maanta gelinkii dambe ku yeesheen guriga Madaxweyne-ku-xigeenka Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa lagaga wadahadlay tirada guud ee ergooyinka ka soo qaybgalay doona shirweynaha 3aad ee xisbiga oo qabsoomi doona 25-ka bisha December ee sannadkan 2013.

Shirka uu oo uu guddoominayey Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi waxa dood iyo falanqayn kadib xubnaha Guddiga Fulintu cod buuxa oo gacantaag ah ku ansixiyeen in tirada ergooyinka shirweynaha 3-aad noqoto 801 ergay, kuwaas oo kala iman doona golaha dhexe ee xisbiga, guud ahaan gobollada, degmooyinka iyo tuulooyinka tuulooyinka iyo weliba laamaha kala duwan ee xisbigu ku leeyahay dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba.

Waxa kale oo shirka la isula gartay in kulan dambe xubnaha Guddiga Fulintu isugu yimaadaan berri, kaas oo ay ku sii falaqayn doonaan qorshaha ay ku hawlgeli lahaayeen Guddiga Qabanqaabada shirweynaha ee dhawaan la ansixiyey.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com