Qaahira 28.October 2013 (SDN) Weftigii ka Socday Xukuumada Somaliland ee Booqashada Shaqo ku Joogay Xarunta Wadanka Masar ee Qaahira ayaa kulan la qaatay Jaaliyada Somaliland ee Ku dhaqan dalka Masar isla markaana xog waran ka siiyay Ujeedada Socdaalka ay ku joogaan Wadankaasi .
Weftigan oo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis,Waxbarashada Marwo Sam Sam Cabdi Aadan ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadu waxa uu sheegay in dawlada Turkiga ay ku wargaliyeen in dalka Somalia ay si cad ugu sheegaan in Jiritaanka Somaliland aanu ahayn Mabda’a laga noqonayo.
Qaahira SDN.
Qurbejoog.com
