Hargeysa Jan 18,2014(SDN)-Madaxda Xisbul xaakimka Somaliland ee Kulmiye oo bilihii u danbeeyay uu khilaaf hareeyay shirweynahoodi ayaa ka soo xaadiri waayay shir au ku baaqeen.
Madaxda Kulmiye ayaa tiraba dhawr jeer ku kala booday qabashada shirweynahooda mudadiisii dhaafay.
Waxaana layaabka habdhaqanka madaxda Kulmiye u danbeeyay ka dib kolkii shir jaraaid oo hogaanka xisbigu shaaciyay in ay ka soo xaadiri waayeen guddoonka xisbigu.
Guddoomiye ku-xigeenka Kulmiye Maxamed Kaahin ayaan ka soo xaadirin shir madaxda Kulmiye ay shaaciyeen in ay uga warbixinayaan sababha dibudhaca mar kale ku keenay shirweynahooda.
Ma cada sababta uu Maxamed Kaahin uga baaqsaday ka qeybgalka shirka Jaraaid waxaase iska cad in ay qeyb ka tahay khilaafka ragaadiyay xisbiga Kulmiye.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com
