|

Xisbiga UCID oo Iclaamiyay Shir aan Ujjedadiisa la shaacin

Hargeysa Aug 31,2013(SDN)-Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa manta war uu soo saaray ku sheegay in ay qabsanayaan kulan degdega oo uu yeelanayo gollaha dhexe ee Xisbiga Bisha ina heysa 15keeda.

Xoghaya Gollaha dhexe ee xisbiga oo arrinkan Iclaamiyay ayaa saxaafada gaarsiiyay ogeysiiskan:

Ujeedo: Ogaysiin

Waxa La Ogaysiinayaa Dhamaan Xubnaha Golaha Dhexe iyo Guddida Fullinta ee Xisbiga UCID ee Jooga Magaalada Hargeysa in ay isugu yimaadaan Shir Degdeg ah Bishu markay tahay 15/Sep/2013 oo ku beegan maalin axad ah Xafiiska Xarunta Dhexe ee Xisbiga UCID 9:00 Subaxnimo.

Sidaa awgeed waxa laga codsanayaa in ay waqtiga iyo balanta dhawraan Hadii alle idmo.

 

Wa Billaahi Tawfiiq

 

Xoghayaha Golaha Dhexe ee Xisbiga UCID

Md, Xasan Cismaan Aadan (Sabce)

 

Comments are closed