19,march 2014 (SDN)-xisbiga cadaaladda iyo daryeelka ee Ucud,ayaa magacaabay xilal cusub oo kala ah: Xog-hayaha Amniga oo loo magacaabay Cabdiwali Xuseen Gaambiye iyo Xog-hayaha Xidhiidhka Goboladda iyo Degmooyinka dalka oo loo magacaabay Md.C/qani Ibraahim Salaf.
waxaana loo soo jeediyay inay masuuliyiiintaa la magaacabay ay si dhakhsa leh u gutaan hawlaha loo igmaday.
Warsaxaafadeedkan masuuliyiinka lagu magacaabay oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Shabakadda Caalamiga ah ee Somalidiasporanews.com,ayaa waxa uu u dhignaa sida tan: ”
Warsaxaafadeed
Ujeedo: Xil-Magacaabis
Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka UCID markuu arkay baahida wayn ee loo qabo in la Magacaabo Xilalka Banaan ee Xoghayaha Amniga & Xoghayaha Xidhiidhka Gobolada iyo Degmooyinka waxa loo Magacaabay Md, Cabdiwalai Xuseen Gaambiye Xoghayaha Amniga ee Xisbiga UCID, iyo Cabdiqani Ibraahin Salaf (Kaptanka) Xoghayaha Xidhiidhka Gobolada & Degmooyinka ee Xisbiga UCID.
Isla markaana waxa la faray Masuuliyiintaa kor ku xusan in ay hawshooda ah u bilaabaan kana soo baxo waajibaadka loo igmaday.
Waxaanu Illaahay uga baryaynaa in uu u fuduudeeyo hawsha loo igmaday”.
ALLA MAHAD LEH
Gudoomiyaha Xisbiga UCID
Eng, Faysal Cali Waraab
Hargaysa,SDN.
