|

Xisbiga Waddani oo Doortay Murashixiinta Jagooyinka Madaxweyne Ku Xigeen Iyo Gunaanadka Shirkoodii 1aad ee Golaha Dhexe

Hargaysa 22.October 2016 (SDN/QJ):- Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa maanta soo gebagebeeyey shirweynihii koowaadoo socday muddo sadex maalmood ah, waxaana si rasmi ah loogu doortay Musharaxa jagadamadaxweynanimada, gudoomiyaha xisbiga iyo jaada hogaamiyaha Xisbiga oo ku cusub nadaamka xisbiga.

 

Shirweynaha oo saaka mar kale ka sii ambaqaadmay Hotel ambassador  ee magaalada Hargaysa waxaa ka qayb qaadanayey ergooyin ka badan lix boqol oo xubnood oo ka kala uimid gobolada dalka iyo dalka dibadiisaba.

 

Fadhigii maanta ee shirweynahaasi waxaa lagaga dhawaaqay in Musharixii keliya ahaa ee aan lala tartamaynin Md Cabdiraxmaan Maxamed cabdilaahi cirro uu noqdo musharaxa xisbigaasi ee doorashada Madaxtooyada Somaliland oo qabsoomi doonta rubac hore ee sanadka 2017. Halka sidoo kalena Md Maxamed Cali cabdi loo doortay in uu noqdo musharaxa jagada madaxweyne ku xigeenka ee Xisbiga wadani

 

Xilka gudoomiyaha xisbiga wadani waxaa si ku meelgaadh ah loogu doortay Md cabdiqaadir ismaaciil Jirde oo Si Rasmi ah Xilkaas ula Wareegi doona 45 Cisho kadib Marka Xisbigu ku Guulaysto Doorashada Madaxtooyada.

 

Dhanka kale Jagada cusub ee Hogaamiyaha xisbiga wadani waxaa loo doortay Md Xirsi Cali Xaaji xasan

Comments are closed