|

‘’Xisbiga KULMIYE-na kuma soo biirayo, mana imanayo nin umaddiisa khiyaameeyey oo Xamar tegay oo kusoo hungoobay” Maxamed Kaahin oo ay la Xumaatay Ku Biiristii Prof Buubaa ee Xisbiga Waddani Halka uu Sacab Badan u Tumay Prof Samatar Iyo Sifir Markii ay Galeen Xisbiga Kulmiye DAAWO

Hargaysa 21.October 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md.Maxamed Kaahin Axmed, ayaa shaaciyey in xisbiga KULMIYE ay ka go’an tahay sidii horumarka dalka meel sare loo gaadhsiin lahaa, isla markaan aanay u oollin inay wakhti badan ku lumiyaan qolayaha aan faa’iidada badan lahayn.

MAXAMED KAAHINGuddoomiye Maxamed Kaahin oo hadal kooban u jeediyey xildhibaanno iyo siyaasiyiin reer Gabiley ah oo kusoo biiray xisbiga KULMIYE, ayaa lahjad adag ku dhaliilay xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, waxana uu hoosta ka xarriiqay inaanay ajandaha xisbiga KULMIYE ku jirin inay soo dhaweeyaan shakhsiyaadka mabda’a Soomaaliweynta aaminsan, “innagu dadka qaarkii murmimaynee horumar baynu higsanaynaa, Xisbiga KULMIYE-na kuma soo biirayo, mana imanayo nin umaddiisa khiyaameeyey oo Xamar tegay oo kusoo hungoobay, qolada xisbiga WADDANI ee ragga Xamar tegay moodaya in Nimiri usoo caaryayoow waxad ururinaysaan dadkii umaddoodu ku qasaartay.” Ayuu yidhi Maxamed Kaahin Axmed.
Guddoomiye Kaahin waxa uu shaaca ka qaaday in guulaha uu xisbiga KULMIYE umadda ku hoggaamiyey yihiin qaar taariikhi ah, isla markaana bulshadu si siman ugu riyaaqsan tahay inuu mar labaad hoggaanka dalka kusoo noqdo.
Hadalka Maxamed Kaahin, ayaa Dad badani Sheegeen inuu Muujinayo Naxdinta Xisbiga Kulmiye ka qaaday Cududa Mucaarid ee Todobaad Gudihii uu Hantay Xisbiga Waddani Iyadoo Dhaliishiisan aanu Ku Soo Qaadin Markii ay Xisbiga Kulmiye Ku Biireen Prof Samatar Iyo Dr Sifir oo Labadooduba Markii Hore aaminsanaa Midnimo Soomaaliweyn. https://www.youtube.com/watch?v=CezfhYbvt04&feature=youtu.be

Comments are closed