|

Xisbiga Waddani Oo Xilalkii Ka Qaaday Xubno Lagu Eedeeyey Inay Madaxtooyada Shuraako Kula ahaayeen Burburinta Xisbiga

Hargeysa:Aug,01,2015(SDN/QJ)-Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ayaa Maalintii shalay xilkii ka qaaday Laba xubnood oo xilal sare xisbiga ka hayey, kuwaas oo lagu eedeeyey inay khiyaamo kula socdeen Xisbiga, isla-markaana ay madaxtooyada shuraako la  ahaayeen.

linrWarqadda xilka qaadista labadaas xubnood oo kala ah Guddoomiyihii Heer qaran ee Xisbigaas iyo ku-xigeenka Xoghayaha Garabka haweenka Heer qaran, ayaa waxa ku saxeexan Xoghayaha guud ee Xisbigaas Maxamed Cabdilaahi Uurcadde.
Warsaxaafadeed uu xoghayuhu soo sooray waxa uu u dhigan yahay sidan;
Ujeeddo: Xil Ka Qaadis
Marwooyin,
Shir ay maanta(shalay) oo taariikhdu tahay 31/7/2015 yeesheen Hoggaanka Xisbiga WADDANI waxa ay go’aamiyeen:
Maadama ay caddaatey in aad ku kacdeen khiyaamo-xisbi, ka dib markii aad heshiis qarsoodi ah la gasheen xubno ka socda madaxtooyada, isla markaana Xisbiga dhexdiisa uga ololeyseen xisbiyo kale taas oo ka soo hor-jeedda xeerka Xisbiga, Xeerka Lr. 14 Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda iyo Xeer-hoosaadka Garabka Haweenka heer-qaran ee Xisbiga WADDANI.
Sidaa darteed, hoggaanka xisbigu isaga oo cuskanaya Qodobka 10aad xeerka Lr.14, qodobada 13aad ee xeerka Xisbiga WADDANI iyo Qodobka 13aad ee Xeer-hoosaadka Garabka Haweenka ee Xisbiga WADDANI wuxuu xilkii iyo xubinnimadiiba ka qaaday:
1. Marwo. Ifraax Cumar Xassan (Guddoomiyihii Hore ee Garabka Haweenka Heer-Qaran)
2. Marwo. Idil Cabdillaahi Giirre (Xoghaye-ku-xigeenkii Hore Garabka Haweenka Heer- Qaran)
Taas darteed, waxaa la wargelinayaa dhamaan Gobolada , degmooyinka, laamaha dibedda iyo saxaafadda in xubnahaas laga qaaday xilalkii ay Xisbiga ka hayeen iyo xubinamdiiba.

ALLAA MAHAD LEH
Md Maxamed Cabdilaahi Uurcadde
Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed