Hargaysa 23.Oct 2014 (SDN/QJ)- Shir ay xarunta Xisbiga WADDANI ay ku yeesheen hogaanka Xisbiga maanta oo ay taariikhdu tahay 18-ka October 2014-ka,waxay dib u eegis iyo qiimayn ay ku sameeyeen,asbaabaha uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland u cuskaday diidmada in uu xubin ka noqdo Komishanka Doorashooyinka Dr:Maxamed Cismaan Fadal .
Hogaanku waxaa uu ku qancay in Dr:Fadals
-in uu Dr:Fadal buuxiyey dhamaanba shuruudihii laga rabay
-in uu yahay aqoonyahan dalka gudihiisa iyo dibadiisaba si wayn looga yaqaano.
-in uu xilal kala duwan oo mid dawli ah iyo mid aan dawli ahaynba uu ka soo qabtay Somaliland
-In uu yahay muwaadin karti badan,aqoon badan,wax wayna ku tari lahaa gudida Doorashooyinka Qaranka
-in sifo sharciga ka baxsan uu madaxweynahu ugu diiday in uu qabto xilkaas.
Waxaa hogaanka xisbigu uu ka codsaday Dr:Fadal in uu ka noqdo iscasilaadii,lana soo noqdo xubinimadii Xisbiga,taasna waa uu aqbalay.
Sidaas daraadeed waxaa hogaanku isku waafaqay in loo soo celiyo xubinimadii golaha dhexe iyo gudida fulinta .
Waxaa kale oo loo magacaabay Dr:Maxamed Cismaan Fadal in uu buuxiyo Jagada xoghayaha arrimaha dibada ee Xisbiga WADDANI laga bilaabo taariikhda maanta 18/10/2014-ka.
Md:Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde
Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI
