Hargaysa 09.Feb 2014 (SDN)- Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani oo goor dhaweyd shir jaraa’id ku qabtay Hotelka Xara fee hargeysa ayaa si adag uga hadlay faragalin ay sheegeen Xukuumaddu in ay ku hayso Xeer hoosaadka Golaha wakiiladda.
Masuuliyiinta sar sare oo ka tirsan Xisbiga Wadani oo ay ka mid yihiin Maxamed C/laahi Uur-cade, C/rashiid Maxamuud (Riyo-raac) Mustafe Qodax iyo xubno kale oo Xisbigaas ah ayaa ku hanjabay haddii xukuumaddu faraha kala bixi weydo in aanay xukuumad u aqoonsanayn.
Masuuliyiinyani waxay Madaxweyne Siilaanyo u direen Farriin ay kaga dalbanayaan in ay Xukuumaddiisu faraha ka qaado wax aka dhex socda Golaha wakiiladda isla markaana C/raxmaan Cirro loo daayo hogaamintiisa, iyagoo ku Eedeeyey in ay Xukuumaddu saaka soo galisay Ciidan ka amar qaadanayey Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golahaasi, halka ay sheegeen in Guddoomiye Cirro oo jooga aan laga amar qaadanayn.
Saraakiisha Xisbiga Wadani waxay Xukuumadda u jeediyeen dhaliilo badan oo ay farta ku fiiqeen in looga fadhiyo in ay Xukuumaddu wax ka qabato, halka ay kaga mashquushay Golaha wakiiladda oo ah Gole Xeer dajin, iyagoo Madaxweyne Siilaanyo ka codsaday inuu kaga dhabeeyo hadalkii uu Madaarka ka yidhi maalintii uu dalka ku soo noqday oo uu Golaha faraha ka qaado.
Dhaliilaha ay Xukuumadda u jeediyeen masuuliyiintan ayaa wax aka mid ah inta ay Khilaafka Golaha faraha kula jirto in ay kala hagaajiso Wasiiradda, Agaasimayaasha iyo masuuliyiinta kale eek a tirsan Xukuumadda ee khilaafku ragaadiyey, iyagoo ku dooday sharciyadda Golaha in aan lagu bur burin dan ay Xukuumaddu leedahay.
Masuuliyiinta qaarkood ayaa kaga dhawaajiyey in ay tuhunsan yihiin Xukuumaddu in ay wado qorshe ay ku burburinayso shuruucda Dalka, Amaanka iyo kala danbaynta isla markaana doonayso in ay u adeegsato khilaafkan in ay ku burburiso masiirka Ummaddu mudada dheer soo higsanaysay.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
