|

Xoghayeyaal ka tirsan Xukuumada KMG ah ee Soomaalya oo Siminaar ku soo qaatay Kampala

Kampala July 21,2012(SDN)-Xoghayaasha joogtada ah ee labaatan wasaaradood oo ka tirsan xukuumada KMGah ee Soomaaliya ayaa tabar dhanka maamulka loogu soo gunaaday magaalada Kampala ee dalka Ugaandha.

Xogahyeyaashan oo ah kuwa joogtada ah ee Xukuumada KMGah ee Soomaaliya ayaa ka kooban 19 raga iyo Haweeney.

Tbarkan oo soconayay mudo laba todobaad ah ayaa waxa Xoghayeyaashu ay ku qaateen culunta Maamulka iyo maareynta,waxaana kharashkiisa bixiyay Banka Africa.

Bashiir Muuse oo ah siihayaha xilka Safiirka Soomaaliya ee Ugaandha oo ka hadlay xafladii qalinjebinta ayaa sheegay in Xoghayeyaasha looga baahan yahay in culuunta ay barteen uga faaiideeyaan dadka iyo dalka Soomaaliya.

Harriet Adakun oo ah madaxa macaamisha Macadka Maamulka ee Ugaandha oo ah halka Xoghayeyaashu ku qaateen daraasaadka ayaa sheegtay in UMI ay ku faraxsan tahay in ay Soomaalida gacantan u fidiyaan.

Aweys Habdad oo ah Xoghayaha joogtada ah ee wasaarada Shaqada ee dawlada KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in cilmiga ay halkaa ku barteen in ay dadka iyo dawlada Soomaaliyeed uga faaiideyndoonaan.

SDN-Kampala

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed