|

Anonymous:Dahabshiil Bank ha qirto in uu xiriir la leeyahay Argegixisada hadii kalena……?

London July 21,2012(SDN)-Kooxda u ololeysa dulmaneyaasha oo markaa dhanka Computerada ku weerara kolba cida ay u arkaan in ay dulin wado oo magaceedana la yidhaahdo Anonymous ayaa haatan shaacisay in ay jabsatay oo ay heyso xogta malaayiin ka mid macaamisha shirkada Dahabshiil.

Kooxda oo hore loogu yiqiinay weerarada ay la beegsato dawldaha reer Galbeedka hay’adahooda cadaalada iyo amniga ayaa haatan sheegtay in ay diirada saarayaan Kooxaha xagjirka ah.

Hadal ay soo saartayna waxa ay ku sheegtay in ay jabsatay computerada shirkada Dahabshiil Bank isla markaana ay heyso xogta macaamiil ka badan million ruux.

Kooxda Anonymous ayaa sheegtay in Banka Dahabshiil hore u qirtay in xiriir ay wadaagaan xagjiriinta.

Shirkada Dahabshiil ee maamusha Banka Dahabshiil ayaa war ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in sheegashada Anonymous ee ah in xiriir ka dhexeeyo Dahabshiil Bank iyo argegisida aanay waxba ka jirin.

Dahabshiil ayaa hadalkan ay soo saareen ku sheegay in ay tahay wax laga xumaado in hantida ummadda sidan loo weeraro.

Si kastaba ha ahaatee kooxdan Anonymous ee sheegtay in ay la wareegtay xogta hantida Banka Dahabshiil ayaa ku adkeysanaya hadii aaney deg deg u qiran xiriirka ay wadaagaan Argegixisada in ay masaxayaan dhamaan xogaha Banka Dahabshiil ee ay gacanta ku dhigeen.

Taasi hadii ay dhacdana waxa hubaal ah in ay ka dhalan karto hubaal la’aan cida lacagi u tiilay Baanka iyo cadada.

SDN-London

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed