Uncategorized

Xogo Dheeri ah Oo Kasoo Kordhay Sababta Iscasilaadda Af-hayeenkii Xukuumadda Somalia

Muqdisho:June23,2015(SDN/QJ)-Inkasoo Ridwaan Xaaji C/weli, oo ahaa Afhayeenkii Xukuumadda Somaliya oo shalay iscasilay uu sheegay inuu arrimo gaar u ah xilkaas uga tegay, haddana waxa soo baxaya warar dheeraad ah oo farta ku fiiqaya sababta rasmiga ah ee Afhayeenkaasi xilkaas uga tegay.

ridwoAfhayeenka xiscasilay, ayaa lasoo shaqeeyey tiradaba saddex ra’isak wasaarem waxaba muddadii uu halkaas joogay uu kusoo shaqeeyey duruufo kala duwan oo xagga nolosha iyo siyaasaddaba leh, balse maanta waxa uu Go’aansaday inuu xilkaas banneeyo.

Nin ay si dhow u soo wada shaqeeyen Ridwaan, oo la hadlay qaar kamid ah warbaahinta, ayaa sheegay inuu xilka isaga casilay dhaqaalo xumo, xilli muddo dhowr bilood ah aanay wax mushaharaad  ah qaadan Shaqaalaha Dowladda Somaliya.

Ninka ayaa sheegay in Afhayeenka xaalkiisu gaadhay in daymo badan lagu yeeshay, waxana uu yidhi isagoo arrimahaas ka Hadlaya, “Waxaa lagu yeeshay lacago badan oo Hotelkii uu deganaa ah, wuxuu deganaa Ambassador Hotel oo ku yaala Isgoyska Taleex ee Degmada Hodan, waxaa intaas dheer inuu waayay shidaal uu ku shubto gaadhigiisii.”

Waxa uu intaa ku daray “Wax badan ayuu Ra’iisal Wasaaraha kala hadlay inuu lacag la’aan yahay, Ra’iisal Wasaarahana wax dheg jalaq ah uma siinin. Markaa taasaa u sabab ah inuu xilkii iska casilo.”

Ridwaan oo ka yimid dalka Britain, ayaa ah nin Suxufi ah, wuxuuna hore ula soo shaqeeyay Telefishinka Universal, Laanta afka Somaliga ee VOA iyo Idaacadii burburtay ee Horn Afrik.

Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Sharmaarke, ayaan ilaa iyo hadda wax jawaab ah ka bixin tallaabada uu xilka isaga casilay Ridwaan Xaaji C/weli.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somaliasporanews.com