Uncategorized

Xubin Sare Oo Ka Tirsanayd Masuuliyiinta Dawladda u Qaabilsan Magaalada Baydhabo Oo Xalay La Dilay

Baydhabo:June,10,2014(SDN/QJ)-Waxa Habeenkii Xalay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay  kooxo Hubaysani ku dileen Xogyahihii Guddoomiyaha xaafadda Mursan ee  isla-magaaladaas.

BASTOLADXoghayaha Guddoomiyaha xaafada Mursal oo lagu magacaabi jiray Maxamed Deeq Cabdullaahi ayaa waxa la sheegayaa inay Khaarajiyeen koox ku Hubaysnayd  bastoolada, iyadoo sidoo kalena la dilay mid ka mid ah ilaaladiisa.

Wararka ayaa sheegaya in kooxaha dilka geystay ay durba goobta isaga carareen, iyadoona aanay jirin cid loo soo qab qabtay dilalka xalay ka dhacay xaafadda Mursal ee magaalada magaalada Baydhabo.

Ilaa iyo hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka maamulka degmada Baydhabo oo ku aadan dilka xoghayihii guddoomiyaha xaafadda Mursal.

Magaalada Baydhabo ayaa muddooyinkii dambe ku soo kordhayay falka amni darrada ah, iyadoo ciidanka booliska ay howlgallo ballaadhan ay dhowaan magaalada ka sameeyeen ay ku xir xiraan soddomeeyo dhallinyaro ah oo ay ku eedeeyeen inay ku lug yihiin falalka amni-darro.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com