Muqdisho 03.March 2014 (SDN)- War-murtiyeed maanta ka soo baxay xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay mowqifka ay dowladdu ka taagan tahay habka loo marayo dhismaha maamul-goboleedyada iyo sida ay uga welwelsan tahay shirarka siyaasadeed ee iska soo horjeeda ee ka socda magaalada Baydhabo.
Xukuumaddu waxay xustay inay dhibaato ka imaan karto natiijada ka soo bixi karta dhammaadka shirarkaas iska soo horjeeda, iyadoo xaqiijisay inay dhowr jeer isku dayday mideynta shirarkaas si dadka deegaanka ay u helaan maamul mideysan oo waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka.
Wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka ee xukuumadda Soomaaliya oo la sheegay inay u xil-saaran tahay arrimaha maamul-goboleedyada ayaa sheegtay inay dhowreyso heshiiskii Addis Ababa ee lagu oggolaaday dhismaha maamulka kumeel-gaarka ah ee Jubba.
Xukuumaddu waxay tilmaantay inay diyaar u tahay inay gacan ka geysato dhismaha maamul-goboleedka saddexda gobol ee kala ah Baay, Bakool iyo Shabeellaha hoose, iyadoo shacabka deegaannadaas kula talisay inay ka fogaadaan wax kasta oo wax u dhimi kara xasilloonida.
Magaalada Baydhabo waxaa ka socda labo shir oo iska soo horjeeda oo la doonayo in maamul loogu sameeyo gobollada koonfur-galbeed Soomaaliya.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com
