Muqdisho 19.Sep 2013 (SDN)- Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay in ciidamada nabad sugidda ay ku guuleysteen in ay soo qabtaan nin ka mid ahaa ragga xog-haynada u ahaa horjoogihii ajnabiga ahaa Abuu Mansuur Al-Amriki iyo tiro kale oo ka tirsan kooxda Shabaab.
Afhayeenka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Ridwaan Xaaji Cabdiweli ayaa sheegay in ninka xog-haynta u ahaa Abuu Mansuur Al-Amriki la qabtay xilli uu doonayay in uu ku dhuumaaleysto gudaha Muqdisho, iyadoo Al-Amriki lagu dilay weerar ay fuliyeen maleeshiyada hor-joogaha u sarreeya Shabaab, Axmed Cabdi Godane.
Ridwaan waxa uu sheegay in ciidamada nabad sugidda ay baaritaan ku hayaan ragga la qabtay, laguna daba joogo xubno kale oo ka tirsan Shabaabka.
Dhinaca kale, Abu Yaasir Al-Maqdishi oo ka mid ah xubnaha ku kacsan garabka Axmed Godane oo cod uu soo duubay internetka soo dhigay ayaa si kulul u weeraray hor-joogaha Shabaab oo uu ku eedeeyey in uu dil u geystay horjoogayaal ka tirsan Shabaab.
Abu Yaasir waxa uu sheegay in dilka loo geystay Ibrahim Afqaan iyo xubno kale ay caqabad ku noqotay howl-gallada Shabaabka iyo waxa uu ku sheegay dacwadda fidinta diinta Islaamka.
Waxa uu qiray in horjoogayaasha Shabaabka qaarkood ay baxsadeen oo aan la garaneyn halka ay ku dambeeyeen.
Muqdisho SDN,
Qurbejoog.com
