Uncategorized

Xukuumada Somaliland oo dagaalka ay kula jirto Zaadka gacan ku siineysa Dahabshiil

Hargeysa April 25,2015(SDN/QJ)-Xukuumada Somaliland ayaa goaan ka fajiciyay macaamiisha adeega Zaadka dhawaan soo saartay iyada oo la faray shicibka adeega isticmaala in ay haatan wixii ka danbeeyay ay isticmaali karaan oo qura lacagta dalka,iyada oo hore lacagta Dollar ka la isku weydaarsan jiray .

Goaankan oo ahaan lahaa mid horukac leh hadii ujjeedada laga leeyahay ay tahay ta xukuumadu ku afgobaadsatay ayaa waxa soo baxaya warar tibaaxaya in goaanka xukuumada ay dabada ka riixeysay shirkada Dahabshiil.

Dahabshiil ayaa culeyska adeega Zaad ku hayay laga dareemayay suuqa lacagta ee Geeska Africa dhawrkii sanadood ee u danbeeyay.

Adeega Zaadka ayaa cagta mariyay lacagihii shicibku isugu diri jireen gudaha dalka, waxaana uu adeegii Xawaalada Dahabshiil ku soo koobmay uun lacagaha ay Qurbejoogu eheladooda dibeda uga soo diraan.

Waxa Dahabshiil Jabkaa u dheeraa sanadihii u danbeeyay Xawaaladaha oo culeys weyni uga yimi hubin la’aan cida lacagaha ku dirsata iyo eedo ah in kooxaha xagjiriintuna ay adeegsadaan Xawaaladaha.

Waxa isa soo tarayay dalalkii Xawaaladuhu lacagaha ka daabuli jireen oo reer Galbeed badanina ku jiraan in ay gebi ahaanba Baanankii joojiyeen in ay lacagaha ka qabtaan Xawaaladaha.

Waxaana jugahaa u danbeeyay dalka Kenya oo isna dhawaan weerarkii loogeystay Jaamacadii Gaarisa ka dib kadimada u laabay xafiisyadii Xawaaladaha.

Waana taa ta keentay in haatan uu madaxa shirkada Dahabshiil gucleynayo dalalka dibada isaga oo sheegaya in uu u ololeynayo sidii xanibaadaha looga qaadi lahaa meheradihiisa dibedda.

Dahabshiil oo aan hubin natiijooyinka ka soo bixi karaa socdaaladan ayaa haatan doorbiday in ay Xukuumada madaxweyne Axmed Siilaanyo ugu abaal sheegato hantidii ay ugu yaboohday xiligii doorashooyinka.

Isweydiintuse waxa weeye tilaabada xukuumadakulmiye uGu garbo duubeyso Dahabshiil suuqa lacagaha Somaliland ma badbaadin karaan ganacsiga Dahashiil?

SDN/QJ-Hargeysa

contacy@qurbejoog.com