|

Xukuumadda oo Cadaysay inuu Sharcigu u Ogol yahay Iibinta,Kiraynta iyo Wareejinta Haamaha Shiidaalka Berbera DAAWO

Hargaysa 31.Aug 2015 (SDN/QJ)- Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo maanta warbaahinta la hadlay,ayaa sheegay inay haamaha shidaalku ay yihiin hanta qaran islamrkaana Xukuumaddu Xukuumaddana ay xaq u leedahay wareejintooda.
“Qodobka 12aad ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland waxaa uu cadeynayaa masuuliyada hantida iyo kaalinta ay xukuumadu ku leedahay, qodobkaasi waxaa uu sheegayaa in xukuumada somaliland ay u xilsaarantahay hantidaa gacan ku haynteeda awoodna ay u leedahay, inay iibiso , inay kirayso, inay ku badasho wax kale oo u dhigma, oo ay qaranka dan u mooday.”Ayuu Yidhi Wasiir Cukuse.
Wasiir Cukuse waxa u intaas ku daray “Wuu imankaraa in Xukuumadu haamaha shidaalka cid kale ku wareejiso, waliba waxaa uu qurux badan yahay marka ay xukuumadu shacbigeeda u danaynayso oo ilaalinaysa xaqa iyo sharciga oo korinta ganacsiga danaynaysa, oo haamaha daryeelkooda danaynaysa, oo haamaha in muwaadin gacanta ku hayo danaynaysa, marka ay dhiirigaliso ganacsato isku tagtay oo awoodaa iyo kartidaa la timaada, inay iyagu noqon karaan kuwo maamulkaa gacanta ku hayn kara.”Ayuu Yidhi Cukuse.

Comments are closed