Hargeysa 15, May 2012 (Qurbejoog.com)- Ciidanka amaanka ee madaarka caasimadda Hargeysa, ayaa maanta xidhay xildhibaan Xasan Cumar Xaawa oo ka tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya.
Xasan Cumar Xuseen oo ah diblomaasi dhalasho ahaan ka soo jeeda deegaanka Hargeysa, waxa uu tan iyo bishii July ee sannadkii 2011 ku sugnaa magaalooyinka Hargeysa iyo Boorama, ka dib markii Madaxweynaha Somaliland cafis u fidiyay, isla markaana aqbalay inuu hawlo gaar ah u yimaado dalka.
Siday Somalidiasporanews.com u xaqiijiyeen xubno ka mid ah qoyska masuulkaas, waxa barqonimadii maanta laga qabtay madaarka Hargeysa, xilli uu soo dhawaynayay ganacsade reer Boorama ah oo ka yimi magaalada Nairobi.
Inkastoo sida la sheegay xubno masuuliyiin ah oo dawladda ka tirsani arrintan kala hadleen masuuliyiinta amaanka ee Madaarka Hargeysa, una caddeeyeen in diblomaasigaasi uu muddo sannad ah ogolaansho uu Madaxweynuhu u fidiyay ku joogay dalka, haddana masuuliyiinta xadhigiisa ku lug leh ee dhanka amaanku, way ku adkaysteen arrintaas.
Sida warku sheegay, waxa xilli dambe la sii daayay ganacsadaha reer Boorama ee ka yimi Nairobi, iyadoo illaa haatana Xasan Cumar Xuseen (Xasan Cumar Xaawa) uu ku xidhan yahay saldhiga madaarka caasimadda Hargeysa. “Wuxuu soo dhawaynayay ganacsade muwaadin ah oo dalka dibaddiisa ka yimi, mana cadda sababta loo xidhay,” ayuu yidhi mid ka mid ah qoyska masuulka la xidhay.
Xasan Cumar Xaawa waxa uu ka tirsanaan jiray Baarlamaankii dawladdii Carta lagu soo dhisay ee Cabdiqaasim Salaad Xasan iyo tii marxuum Cabdullaahi Yuusuf Axmed ee lagu soo dhisay Mbeghati.
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com
