|

Xukuumadda Oo Sheegtay Inay Xoojinayso Xidhiidhkeeda Midowga Yurub, Ka Dib Safiirka Denmark Ee Soomaaliya Oo Yimid Somaliland

Hargaysa 21. July 2017 (SDN/QJ):- Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay inay xoojinayso Xidhiidhka ka dhexeeya Dalalka Midowga Yurub.

 

Sidaasi waxa sheegay Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ka dib markii uu Magaalada Berbera kulan kula yeeshay Safiirka Dawladda Denmark u qaabilsan Soomaaliya iyo Somaliland oo Doraad Dalka yimid.

Wasiirka Madaxtooyada ayaa kulanka uu la yeeshay Safiirka Denmark u qaabilsan Soomaaliya oo ka dhacay Magaalada Berbera, ka dib waxa uu qoraal uu ku baahiyey Barta uu ku leeyahay Shabakadda Xidhiidhka Bulshada ee Facebook, wuxuu ku faahfaahiyey waxyaabihii ay ka wada hadleen isaga iyo Safiirka Denmark Mette Knudse.

Wasiirka Madaxtooyada ayaa qoraalka uu Facebook ku baahiyey ee uu Arrintan kaga warramay kulanka uu la yeeshay Safiirka wuxuu u qornaa sidan “Waxaannu xarunta madaxtooyada magaalada Berbera ku kulanay safriika dalka Denmark u fadhiya dalka Kiiniya, isla markaana qaabilsan arrimaha Soomaaliya iyo Somaliland  ee fadhigeedu yahay magaalada Nairobi Amb. Mette Knudsen. Dalka Denmark waa dal ay Jamhuuriyadda Somaliland saaxiib yihiin waxa uu ka mid yahay wadamada Somaliland ka taageera horumarka iyo dumuquraadiyada muddo dheerna waxay ahaayeen dal ina taageera, waa ummadd aynnu abaal weyn ugu hayno taageeradooda, Somaliland-na meel weyn kaga yaala.

Safiirka Amb. Mette Knudsen iyo masuulka Denmark u fadhiya Somaliland Michael Thyge Poulsen waxaannu ka wada-hadalnay arrimaha aannu ka wada-shaqayno ee ay ka mid tahay geedi socodka doorashada madaxtooyada, mashaariicdiii horumarka oo aannnu iska waraysanay gaar ahaan sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF oo ay qayb weyn ka yihiin, saldhigna ay u yihiin dalalka Denmark iyo UK.

Safarkani waxa uu ka mid ahaa socdaaladii joogtada ahaa ee ay Somaliland ku iman jireen. aad iyo aad ayey Xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Axmed Silaanyo gadh-wadeenka uu ka yahay ay ugu go’an tahay in la xoojiyo xidhiidhka wadamada aynu saaxiibka nahay, sida wadamada midowga Yurub oo Denmark-na ay ka mid tahay.”

Comments are closed